|
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha sare ee majmaca dariiqa Suufiya ee Ahlasunna waljameeca
Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Waxaa maanta oo jimco shir isugu yimid golaha sare ee majmaca dariiqa suufiya.
Shirkaas oo loogu hadli lahaa wadciga maanta dalka ka jira iyo wax loogu qaban lahaa iyo sidii loo mideyn lahaa dhamaan dariiqooyinka dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa la soo saaray qodobadaan hoos ku qoran.
1) In taageero buuxda loo diro madaxweynaha federaalka soomaaliyeed iyo gudoonka baarlamaanka iyo guushii taariikhiga ahaa ee laga soo hooyey doorashada.
2) In wax loo qabto dadka dhibaateysan ee aan waxba haysan
3) In lacambaareeyo falkii aflaagaadada laga sameeyey filimkii lagu aflagaadeynaayey nabigeena maxamed (nnkh)
4) In dariiqooyinkadhamaan ay midoobaan oo ay hal noqdaan ayna ku walaaloobaan laa ilaaha ila laah muxamdun rasuulalaah iyo in dhexdooda ay ka dhalato wadashaqeyn isjacleysi isu gaargaaraan si loo helo muwaafah rasmi ah
5) In wax alla wixii dhexdoodaka dhaca ay ku xaliyaan shareecada islaamka
Guntii iyo gabagabadii shirka waxaa laysku raacay in lataageero dhinacwalba leh lana shaqeeyo wuxuunashirka ku dhamaaday jawi is afgarad ah
wabilaahi towfiiq
w.d dr.ali omar abati binfaghi
ahna gudoomiye ku xigeenka golahasare ee majmaca dariiqa
suufiya ee ahlasunna wal jameeca
email dariiqadarufaaciya@hotmail.com
dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|