|
Naafada Gobalka Hiiraan oo ku dhawaaqay Urur ay ku mideysanyihiin
Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Naafada Gobalka Hiiraan oo ku dhawaaqay Urur ay ku mideysanyihiin
Kulan ay ku yeeshaan magaalada
baladweyne tiro ka mid ah dadka naafada ee ku nool Magaalada Baladweyne ayaa
waxaa ay kaga dhawaaqeen urur mideeya dadka Naafada isla markaana wakiil uga
noqday wixii tabaruc ah ee loogu talagay dadkaas.
Kulanka oo Galabta oo Khamiis ah
ka dhacay hoolka Shirarka Machadka Waxbarashada ee SIGMA ayaa goob joog waxaa
ka ahaa wakiilo ka kala socda Maamulayaasha Iskuulaadka Waxbarashada Nidaamiga
ah ee Magaalada Baladweyne.
Ururkan oo logu magacadaray Action
disapility and development Organization ( ADDO ) waxaa isla markiiba ka hadlay
oo yabooh ka jeediyay Ustaad Xasan Cabdi Soomane oo ku hadlaayay Magaca
Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne waxaana uu goobta ka balan
qaaday in caruurta gaartay xiliga waxbarashada oo ay dhaleen dadka naafada ah
ee Magaalada Baladweyne in ay siinayaan waxbarasho dugsiga hoose iyo Sare oo
lacag la'aan ah si ay u soo buuxiyaan Qeybta Waalidkood ka maqan ee dhinacyada
maskada ama lixaadka.
‘ anigoo ku hadlaaya Afka Maamulayasha Iskuulaadka Baladweyne waxaan
balanqaadeenaa
in dhinaca waxbarashada aan ka taageern Ubadka ay dhaleen dadka Naafada
Maadaama hadii waxbarasho la siiyo Caaruurta dadka Naafada waxaa hubaal ah in
qeybta ka maqan waalidka ay u dhameystirmeyso hadii aan sidaas la yeelin waxaa
dhici karta in Caruurtaas ay noqdaan kuwa dhinac kale u shaqeeya maadaama
waalidkood aanu awoodin in uu dhinacyada Nolosha iyo waxbarashada ka taageero
waxaan diyaar u nahay ugu horeyn in aan kaalintaas oo muhiim ah aan ka qaado
taageerada loo fidinaayo walaalaheen Naafada ah”.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Hormuudka Jaamacada Baladweyne C/qani
Xasan Weyrax waxaa uu ku baaqay in la taageero dadka Naafada maalinta
Khiyaamaha wax badan ayaa layska weydiinayaa naxarista uu qof walba u sameeyo
xiliga uu addunka joogo waalkiisa u baahan in la caawiyo.
Cali Kheyr Cumar Guure oo isna Codka Qurbajoogta Gobalka Ku hadlayay ayaa
hoosta ka xariiqay in diinta Islaamku ay tahay Naxariis waxna layska weydiin
doono hadii aan masaakiinta caawinay iyo hadii kale.
Ugu dambeyn gudoomiyaha Ururka Naafada Gobalka Hiiraan Max,med Axmed
Sheekeeya ayaa isna goobta ka sheegay in Naafada Gobalka gaar ahaan Baladweyne
tiradooda ay aad u badantahay ayna isugu jiraan Waayeen,Dhalinyaro iyo Caruur
mana jirto ayuu yiri cid iska weydiisa Nolosha ay dadkaas ku noolyihiin marka
ay noqoto Kaalamada la keeno Gobalka ay gacanta mariyaan dadka lixaadkoodu
dhanyahay naafadana layska dul maro qofka muslimka manta wuxuu baxsado ayaa
maalinta Khiyaamaha ee Bari ka horeysa ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|