Somali News
    Hees  

Ethiopia oo sii daysay wariyaal ay horay ugu eedeysay inay Jabhadda ONLF la shaqeeyaan

Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ethiopia oo sii daysay wariyaal ay horay ugu eedeysay inay Jabhadda ONLF la shaqeeyaan.

Dawlada Ethopia ayaa sii daysay 2 wariye oo u dhashay Sweden kuwaasoo horey loogu eedeeyay inay taageereen Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta gobolka Soomaalida ee Ethiopia maamusho.

Haweeney afhayeenad u hadashay wasaaradda arrimaha dibbadda Sweden ayaa sheegtay in labada wariye oo lagu kala magacaabo Martin Schibbye iyo Johan Persson kuwaasoo ay dawlada Ethiopia ku eedeydsay inay dalkeeda ku galeen si sharci darro ah isla markaana ay taageereen dagaalyahanada Jabhadda ONLF oo ka dagaalama gobolka Kilinka Shaad ee Ethiopia maamulato.

Labadaan wariye ayaa xukuumadda Addis-Ababa waxay ku oogtay inay galeen dambiyo la mid ah kuwa ay galaan waxa argagagixisada loogu yeero waxaana sii daysmadooda iska kaashaday labada dawladood.

Bishii July ee sanadkii hore 2011 ayaa ciidamada Ethiopia waxay ka qabteen gobolka Soomaalida xilli ay warar iyo barnaamijyo ka diyaarinayeen xaaladda Soomaalida ku nool ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyadoona maxkamadi ay mar ku riday xukun adag.

Xukuumadda Addis-Ababa ayaa dhawaan shaacisay inay wada hadalo nabadeed la gaylayso jabhadda hubeysan ee ONLF inkastoo jabhadaasi aysan willi ka hadlin.

Dawlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay cadaadis xoogan saarto saxafadda madaxa banaan waxaana la sheegaa in wariyaashu ay dhibaatooyin kala kulmaan ciidamada.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)