Somali News
    Hees  

Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore

Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Torino wadanka Talyaaniga ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dhowaan Baarlamaanka soo doortay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qoraal ka soo baxay jaaliyada Soomaalida Talyaaniga lagu sheegay in dowlad cusub iyo Madaxweynaheeda Alle u fududeeyo howlaha culus oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga Md. Mustaf Cabdulle Maxamuud oo ku saxiixnaa qoraalka ka soo baxay jaaliyadda ayaa waxaa kale oo lagu xusay in guud ahaan ay jaaliyadu hambalyo taa la mid ah u dirayaan dhammaanba Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka cusub, iyagoo kula taliyay in howshooda ay sii laba laabaan, isla markaana ay ka digtoonaadaan in dhexdooda khilaaf soo kala dhex galo, sida horayba ugu dhacday Baarlamaanka xukuumadii KMG ahayd ee xilligeedu dhammaaday.

"Hambalyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ah nin ka fayow falal dambiyeedyo siyaasadeed, dagaal oogenimo iyo musuqmaasuq" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay jaaliyadda Soomaalida Torino ee wadanka Talyaaniga.

Dhinaca kale Jaaliyadda ayaa ku tilmaamtay in Madaxweynaha cusub uu yahay shaqsi wadani ah oo isku wadi kara dadka Soomaaliyeed ee ku kala tegay dagaaladii dalka ka dhacay, isla markaana ah wadani xog-ogaal u ah maraxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.

"Madaxweynaha cusub Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waa wadani lagu aamini karo masiirka Soomaaliya ee burbursanaa mudadii 21-ka sano ahayd" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay jaaliyadda Soomaalida Torino ee wadanka Talyaaniga oo u rajeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh kheyr iyo dowlad wanaagsan oo aqoon iyo tayo fiican leh.

Sidoo kale Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga ayaa hambalyo taa la mid ah waxay u direen Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo ay ku sheegeen inuu si dimoqoraadiyad leh oo xorta ah uu ku wareejiyay xilka, waxayna ku ammaaneen in doorashada xaqa ah ee maanta dalka ka dhacday uu isagu soo gaarsiiyay iyo waliba nabadgelyada maanta dalka ka jirta.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)