|
Xafiiskii Telefishinka Universal ee Magaalada Muqdisho oo labo u kala qeybsamay.
Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xafiiskii Telefishinka Universal ee Magaalada Muqdisho oo labo u kala qeybsamay.
Waxay xaalad ka taagan tahay Xafiiskii Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu labo u kala jabay, kaasoo saameyn ku yeeshay habka tabinta wararka Muqdisho, iyadoo la arkayay in shirarka Jaraa'id ay ku tagaan Labo Camero ay kala wateen Wariyeyaasha oo labo xafiis ka kala socday.
Ilo wareedyo muhiim ah, xafiiska ayaa labo u kala jabay, markii khilaaf uu soo dhex galay Mas'uuliyiintii maamulka, iyadoo ay muddo soo jiitamaysa is qab qabsi xaga awood Maamulka, ayaa arrintaas waxay ka dambeysay markii Milkiilaha TV-ga uu soo magacaabay nin lagu magacaabo C/llaahi Xirsi Kulmiye, taasoo uu ka biya diiday Agaasimihii shaqada hayay Ibraahim Jeekey oo ku andacoonayay inuu xaalad riski iyo afduub u soo maray intii uu ka shaqeynayay Telefishinka.
Xafiiskii Universal ee ku yaalay Xaafada Taleex ayaa waxaa la haray Agaasimihii Xafiiska Muqdisho Ibraahim Jeekey, markii ay isku dhaceen Cawil Dahir Salaad oo ah Madax wararka Telefishinka, saameyn ballaarana ku leh Xarunta Telefishinka magaalada London.
Inkastoo khilaafka labada nin uu ahaa mid mudooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, ayaa hadana waxaa dhinac basiin ugu shubayay Milkiilaha Telefishinka Eng. Axmadey Abuukar, kaasoo go'aan qaadashadii lagu tilmaamo mid labac ah, oo aan go'aan rasmi ka gaarin cida sida rasmiga ah u maamuleysa Xafiiska TV-ga ee Magaalada Muqdisho.
Cawil Dahir Salaad iyo Koox uu hogaaminayo ayaa Xafiis kale ka furay agagaarka Tiyaatarka Qaranka, markii arrinta ay sii qaraaraatay, waxaana taas ay toosh ku shiday arrimo markii hore daah-saarnaa oo ahaa ku lug-yeelasho xaga ololihii doorashada oo TV-ga taageero xoogan u hayay mid ka mid ah Musharaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha.
Xafiiska ay furteen Cawil Dahir Salaad iyo kooxdii raacsaneyd ayaa durba caqabad ku keentay Agaasimihii Xafiiska Muqdisho Ibraahim Jeekey oo dhankiisa la go'ay ragg iyo Kaamirooyin loogu shaqeynayay Telefishinka, iyo xaruntii saldhiga u ahaa, waxaana ay sababtay in Jeekey si cad shaqada uga joojiyo Mulkiilaha Telefishinka Eng. Axmadey.
Waxaa la sheegaa in mar walba oo shaqaale ka tirsan Xafiiska Muqdisho isku dhacaan, ay arrintooda ku dhameyn jireen ama gaari jirtay heer Maxkamada Gobolka Banaadir ay xukmiso, sida horay u dhacday Ibraahim Jeekey iyo C/qaadir Dulyar oo ahaa Agaasime Kuxigeenkii hore muddo sanado ka hor ay arrintooda lagu dhameeyay Maxkamada Gobolka Banaadir xukun ay gaartay, taasoo muujineysa dabacsanaan iyo go'aan qaadasho la'aanta Milkiilaha Telefishinka Universal.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrimahan khilaafka ee soo gala dhex galay labada shaqsi ee isku haya Xafiiska Muqdisho ay dacwadooda gaartay Maxkamada Gobolka Banaadir, markii labada dhinac ay dacwado iska soo horjeeda ay u gudbiyeen Maxkamada.
Dhinaca kale Telefishinka Universal oo ah Telefishinada Soomaalida ee ugu caansan ayaa labadii sano ee la soo dhaafay caan ku ahaa gadashada wararka caadiga ah, iyadoo war kasta lagu tilmaamayay inuu yahay ....Marketing, waxaana ay aheyd arrin lala yaabay dhacdo dhowaan dhacday oo Mas'uul ka tirsan dowladda oo shir jaraa'id qabanayay in ugu horeyn qiimo lacageed lagu xiray in lagu sii daayo wararka siyaasad.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|