Somali News
    Hees  

Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Aden Cabdi Ciise Gudoomiyahii hore ee Magaalada Baladweyne ayaa Allaha u naxariisteen waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya sida ay warbaahinta somaliweyn.com u xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada masuulka geeriyooday.

Aden Garaase ayaa mudo dheer waxaa uu gudoomiye ka ahaa Magaalada Baladweyne laakin xiliyadii dambe gaar ahaan mudadii ay dalka ka jirtay dowladii Sheikh Shariif waxaa uu ahaa Oday Hiiraan oo ma jirin wax xil ah oo uu ka haayay Gobalka.

Alle ha unaxariiste Aadan Cabdi Ciise ( Aadan Garaaso) ayaa si gaar ah howlaha Gobalka si weyn uga dhexmuuqday tan iyo markii ay Soomaaliya ka dilaaceen Kooxaha Maxkamadaha isagoo dadaal xoogan ugu jiray sidii dadka Magaalada Baladweyne aanu dhibaato uga soo gaari laheed Siyaasadaha isgarab yaacaya.

Aadan Cabdi Ciise, wixii uu mudooyinkii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, mana jirin wax xil ah oo uu maamulka gobollka ka hayay waqtigan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)