|
Shir sanadeedkii ururweynaha SSR ooo qabsoomay
Örebro Sabti 15 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir sanadeedkii ururweynaha SSR ooo qabsoomay
Waxa gobalka Örebro degmada Nora ee wadanka Sweden ku qabsoomay shirsanadeeadkii Sadexaad ee daladda guud ee ay ku midoobeen ururada jaaliyadaha soomalida Sweden ( SSR Svensks Somaliska Risksrådet) maalmihii 14.09.2012--15.09.2012,kaas o dood dheer iyo falanaqeyn waqti qaatay kadib lagu Doortay gudoomiye iyo guddigii fulinta waxayna yihiin xubnihii la Doortay sidan Hoos ku qoran.
1. Mustaf Cali Siyaad Guddomiye.
2. Cabdifataaxa Burcamuun. Gud.ku xigeen
3. Maxamed Yasiin Ibraahim. Xoghayn
4. Khadija Raage. Khasnaji
5. Hassan Cabdi Bidaar. Xubin.
6. Maxamuud Maxamed Shiiqaalow. Xubin.
7. Cabdifataax Sabriye. Xubin.
8. Hassan Mohamed. Xubin
9. Xuseen Maxamed Cabdulle. Xubin.
10.Cabdisalaan Ahmed jimcaale. Xubin.
11. Cusmaan Cabdiraxmaan. Xubin.
Waxaa shirkaas ka soo qayb galay dhammaan ururada xubnaha ka ah Urur weynaha
SSR oo tiradooda tahay 22 Urur.
Waxaa kale oo shirweynaha lagu taageeray isbedelada taarikhiga ah ee ka dhacay waddanka Soomaaliya ee lagu Doortay waddanka dhexdiisa xildhibaano, guddoon barlamaan iyo madaxweyne qaran. Waxeyna ugu wada hambalyeeyeen xilalkaas culus ee loo Doortay, waxayna u rajeynayaan in ay howshoda u gutaan si xailkasnimo leh
Ogeysiis:
Maalainta isniinta taariikhduna tahay 17/9 in uu ururka SSR soo qabanqaabinayo kula lagu taageerayo gudoonada cusub, madaxweynaha, iyo isbedelada taariikhiga ah ee ka dhacay wadanki soomaaliya. Waxa ka warbixin doona aqoonyahano soomaaliyeed.
Kasoo qaybgal wanaangsan.
Goobta . vivalla centrum Örebro, Sweden. saacada 19:00



Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|