Somali News
    Hees  

Dood cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo Muqdisho ka dhacay

Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dood cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo Muqdisho ka dhacay

Dood cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka ee gabdhaha lagu guuriyo iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara ayaa maanta magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Haween ka socday 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo Ururada Haweenka.

Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda Wada hadalka bulshada Center for Community Dialogue ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiin ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Ururka Haweenka qaranka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ugu horeyn hadaladii furitaanka ka jeedisay dood cilmiyeedkan ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan laga dhaxli karo guurka qasabka ee gabdhaha, iyadoo xustay inay keeni karto niyad xumo ku timaada gabadha guur aanay raali ka aheyn.

"Run ahaantii aragtidaas waxay tahay mid gabdhaha caqabad ku ah noloshooda, in maanta gabar aan guur aysan raali ka aheyn la guuriyo, ama nin weyn oo da'a ah lagu daro waa nasiib daro"ayay tiri Jawaahir Baarqab oo soo hadal qaaday in Gabdhaha qaar ay kooxaha Al-Shabaab si qasab ugu guuriyaan ragga ajaaniibta ah.

Waxaa ay sheegtay in sababaha loogu guurinao gabdhaha ragga ajaaniibta ay ujeedada tahay in xidid looga dhigto, ama gabaad ay ku helaan, taasoo xustay inay la mid tahay in berri dhurwaa hilib raba aad ku korineyso hoygaada sida ay tiri.

Maryan Maxamed Jimcaale oo loo yaqaano (Maryan Jaceyl) ayaa sheegay in gabdhaha sida qasabka lagu guuriyo ay ka dhashaan guurkaas dhaqano doorsoon, isla markaana kuwo aysan asaageeda aheyd loo guuriyo, iyadoo tusaale ahaan u soo qaatay, kuwa aan isku jinsiyada aheyd inay ka dhalan karto dhaqan doorsoon ama dhaqan xumo aan aheyn dhaqankii suubanaa ee Soomaalida taqiin.

Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley Deeqa C/qaadir Axmed ayaa sheegtay looga baahan yahay haweenka waxqabadka bulshada inay hormuud ka noqdaan, balse aanay haweenka dhibaatada horseedin.

"Gabar lagu qasbo inay guursado nin ka weyn ama oday ah, ha ahaado ajnabi waxaa keenay dadkeena, waayo gabaad ayay rabaan inay ka dhigtaan, oo berri aad dhashaan dambiilayaal dalalkooda ka soo cararay, anagana aan awoowayaal iyo ayeeyaal u noqono Zanzibariin iyo Tanzaniyan"ayay tiri Deeqo C/qaadir Axmed.

Sidoo kale waxaa ka hadashay munaasabada mid ka mid ah haweenkii ka socda degmooyinka Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Xaajiyo Aamino oo tilmaamtay gabdhaha ay niyad jab xoog leh ka qaadaan guurka qasab, bulshadana ay faquuq kala kulanto, waxaana ay intaa raacisay in waalidiinteeda ay gabadhu colaad u qaado.

Ka qeyb galayaashii dood cilmiyeedka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo Dalad ay ku mideysan yihiin Hooyooyinka lagu xad-gudbay ee gabadhahooda sida qasabka ah lagu guuriyay, si lala xisaabtamo dadka ka dambeeya in gabdhuhu xoog lagu guuriyo.

Ugu dambeyn waxaa dood cilmiyeedka soo xirtay Sahro Maxamuud Amiin oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka CCD oo uga mahadcelisay ka qeyb galayaasha sida hufan ee ay aragtidooda isku weydaarsadeen, iyadoo balan qaaday in doodahan looga hadlayo guurka qasabka ee gabdhaha ay sii socon doonaan.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)