Somali News
    Hees  

Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya oo Kulamo Kula Qaatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade Wafuud Caalami Ah.

Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya oo Kulamo Kula Qaatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade Wafuud Caalami Ah.

(Muqdisho, September 16, 2012) Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaarahada ee Adan Cade masuuliyiin kala duwan kuwaas oo u yimid sidii ay ugu qayb gali lahayeen xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya prof. Xassan Sheekh Maxamuud.

Xaflada waxaa ka soo qayb galay wafuud kala duwan oo ka kala yimid Ururo Caalami ah iyo Dowlado waxaana ka mid ahaa, Madaxweynaha Jabouti, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ugandha, Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Qadar, Lataliyaha madaxweyanah Suudan, Gudoomiyaha Midowga Africa, Wakiilka Qaramada Midoobaye ee Soomaaliya, Wakiilka Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Ururka IGAD, Midowga Yurub iyo marti sharaf kala duwan.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Jabuuti Mudane: Ismaciil Cumar Geele, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Atto; Hailamriam Desalegn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Mudane: Bakir Bosdaq, Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Mudane; Jean Ping, iyo masuulinyiin kale iyagoona salaan sharaf ka qaatay Ciidanka Baambayda iyo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa kulumo kula qaatay qaybta VIP ee Garoonka Diyaaradaha masuuliyiinta u timid ka qaybgalka xaflada waxayana ka wada hadleen marxalada dalka uu marayo iyo sidii iskaashi loola samayn lahaa dowlada cusub ee Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa khudbad ka jeediyey xaflada. 
































Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia
 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)