Somali News
    Hees  

Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow ka bilaabanaysa Magaalada Muqdisho

Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow ka bilaabanaysa Magaalada Muqdisho

waxaa Magaalada Muqdisho ka bilaabanaysa goordhow munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in goordhow ay ka dhacdo Muqdisho iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimadda Muqdisho.

C/llaahi Sheekh Cali Qalloocow Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha.Soomaaliya ayaa sheegay in munaasabadda maanta ay ka soo qeybgelidoonaan wafuud ka socota Qaramada Midoobay, jaamacadda Carabta waddamada gobolka, madax caalami ah iyo Madax kala duwan oo Caalamka ka yimid.

Qalloocoow waxa uu sheegay in la go’aamiyay in maanta la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo dugsiyadda waxbarashada munaasabaddan taariikhiga ah darteed, wuxuuna sheegay in dalka oo idil ay ka soconaayaan damaashaadyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabanayo dugsiga sare ee Booliiska Jeneraal Kaahiye, ayaa madaxweyne Prof Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka kala wareegaya madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed , iyadoo halkaasina lagu caleema saaridoono madaxweyne Prof. Xasan Sh. Maxamuud.

Waxaa sidoo kale dalka soo gaaray Kooxda fannaaniinta Deegaan ee dalka Jabuuti ayaa shalay soo gaartay Muqdisho si ay uga qeybgalaan munsaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya waxaana kooxdaasi la socday Abwaan Maxamuud C/llaahi Sangub oo ka mid ah Fanaaniinta Qaranka Soomaaliya ee kooxda Waaberi.

Dhinaca kale waxaa si aad ah loo adjkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka lagu arkayo ciidamo farabadan oo baraya dadka iyo gaadiidkaba, waxaana saakay goobta shirku ka dhacayo ku sii qulqulaya marti sharafkii ka qeybgeli laheyd xafladda caleema saarka madaxweynaha Somaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)