|
Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi ka socda wadamada Kenya, Itoobiya iyo Uganda oo Muqdisho goordhow yimid
Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi ka socda wadamada Kenya, Itoobiya iyo Uganda oo Muqdisho goordhow yimid.
Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga ku soo dhoweeyay madax ka tirsan Dowladda KMG ah iyo diblomaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho.
Wafdiga Dowladda Jabuuti ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ay ka socoto qabanqaabada munaasabaddaxil-wareejinta Madaxweyne, iyadoo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qeyb gelayo munaasabadaasi.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ku aadan isbedelka ka dhacay magaalada Muqdisho, bacdamaa Dowladda Jabuuti ay ka mid tahay dowladaha sida weyn u taageera in dalka Soomaaliya uu ka dhaco isbedel dhinaca dowladnimada ah.
Dhinaca kale magaalada Muqdisho waxaa kale oo soo gaaray wafdi ka socda dowladaha Uganda, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo iyana ka qeyb gelaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay muddo 42-sano ah kaddib oo magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wufuud ka socota wadamada caalamka kuwaasi oo ka qeyb gelaya munaasabadda ay xilalka ku kala wareegayaan Dr. Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoona saakay magaalada Muqdisho xaaladeedu aad u degan tahay isla markaana ciidamada amniga ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada nabadda lagu carqaladeynayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|