Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif qudbad qiiro galisay shacabka u jeediyay xilkiina ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Shariif qudbad qiiro galisay shacabka u jeediyay xilkiina ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn salaamay mas’uuliyiinta ka socotay beesha caalamka Madaxweynaha dalka, Mudaneyaasha baarlamanka iyo dhamaan ka qeyb galashaasha munaasabadda caleemasaarka.Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn salaamay mas’uuliyiinta ka socotay beesha caalamka Madaxweynaha dalka, Mudaneyaasha baarlamanka iyo dhamaan ka qeyb galashaasha munaasabadda caleemasaarka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay ka qeyb galayaasha munaasabada waxa uunta tilaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah maadaama laga baxay KMG loona gudbay dowlad dhamestiran.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sugida amaanka dalka lana shaqeeyaan ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay inuu laftiisa ku faraxsan yahay in laga guuleesto oona ku qanco sanduuqa dhaxdiisa bacdama ay dadka arkeen go'aanka uu qaadanayo marka uu guul dareesto taasi oo ay maanta markaati ka wada yihiin shacabka .

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Qabyo Qoraalka Dastuurka, Calanka Soomaaliya iyo waxyaabo kale, markii uu Sheekh Shariif ku wareejiyay Hidiyadaha Madaxweynaha cusub ayaa waxa ay Kooxda Baanbeyda ay Garaaceen Asaataanta Calanka waxaana dadkii ka qeyb galay ay qaadeen Heesta “Soomaaliyeey Tooso”.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)