|
Filim Qaade xalay Muqdisho lagu dilay
Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Filim Qaade xalay Muqdisho lagu dilay.
Wararka aanu ka heleeno degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ayaa sheegayaa in xalay kooxo hubaysan ay toogteen wiil uu dhalay Wariyaha caanka ah ee ka shaqeeya Radio Muqdisho ee MM Macalin kaas oo ku sugnaa markii la dilayay Wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis.
Wiilkaan la dilay ayaa lagu magacaabayay Sakariye MM Macalin waxaana uu ahaa Sawir Qaade waxaana kooxahan dilay ay dhow Xabadadoo ay kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa iyadoo daqiiqado kadib uu isla goobtii ku geeriyooday.
Ciidamada Amanka degmada shibis ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigay labo kamid ah kooxihii Wuxuushta ahaa ee Zakariye dilay waxaana mid kamid ah gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah halka kan kale isna gacanta lagu haayo isagoo waxbo aanan gaarin.
Lama oga sababta dhabta ah ay u dileen Kooxahan wiilkan Sawir Qaadaha ahaa iyadoo haatan Ciidamada Amaanka ay waydiinayaan su’aalo labadaan gacanta lagu haayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|