Somali News
    Hees  

Madaxweyne Xasan sheekh: "Burburka dalkeena soo gaaray waxaa looga kabsan karaa dhaqaalaha ama gargaarka beesha caalamka.."

Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Xasan sheekh: "Burburka dalkeena soo gaaray waxaa looga kabsan karaa dhaqaalaha ama gargaarka beesha caalamka.."

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay beesha caalamka ka qeyb qaadashada dib udhiska dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dal waliba oo aduunka ka tirsan oo burbura uu u baahan yahay kaalmada caalamka si dalka uu uga soo kabsado burburka soo gaaray.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka kaliya ee mudada fog ay ka jireen dagaalada balse sida uu tilmaamay iminka ka soo kabsanaya.
"Burburka dalkeena soo gaaray waxaa looga kabsan karaa dhaqaalaha ama gargaarka beesha caalamka ay ina siiyaan si loo dhiso dalka Soomaaliya"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan wuxuu ka jeediyay shalay xaflad ballaaran oo lagu caleema saaraye taasi oo ay kasoo qeybgaleen madax kala duwan.

Dalka Soomaaliya ayaa 20-sano wuxuu ahaa dal burbursn oo dagaalo ay la dageen hayeeshe iminka ay udhalatay dowladd aan KMG aheyn balse aan la ogeyn waxa ay la imaan doonto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)