Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa Kenya oo la wareegay Deegaanka Birta dheere ee Gobolka Jubada Hoose

Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Kuwa Kenya oo la wareegay Deegaanka Birta dheere ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada huwanta ah ee isugu jira Militeriga Kenya, kuwa dowladda iyo Raaskambooni, ayaa ku sii durkaya magaalada Kismaaayo ee xarunta gobolka jubada Joose halkaasoo ay ku xooganyihiin kooxda sii wiiqeysa ee Al-shabaab.

Dagaalo dad badan ay ku dhinteen ayaa shalay ka dhcay inta u dhaxeysa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada oo garab military ka helaya kuwa AMISOM iyo kooxda Al-shabaab.

Ciidamada xulafada ah ee isbaheysanaya ayaa shalay u suura gashay inay la gudbaan difaacii ugu danbeeyay ee kooxda Al-shabaab ay ka difaacayeen magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubooyinka Col. Maxamed Faarax Dahir ayaa sheegay in dagaalo culus oo qasaare badan dhaliyay ay Al-Shabaab shalay kula galeen deegaano ka tirsan Kismaayo.

"Difaacii u dambeeyay ee Kismaayo waa ka gudubnay, dagaalka waxaa uu ahaa mid culus, ugu dambeyn hada Kismaayo waxaan u jirnaa 40-KM"ayuu yiri Sarkaalkan oo intaa ku daray in Al-Shabaab meesha ugu soo horeysay ee ay ka difaacayaan Kismaayo ay tahay deegaanka Buulo gaduud.

Dagaalkaasi qaraar ee shalay dhaxmaray Ciidamada huwanta iyo Al-shabaab ayna ku jabsheen difaacii ugu weynaa ee Al-shabaab ayaa keenay in Kismaayo ay xlaay isaga baxaaan kooxda Al-shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)