|
Koox hubaysan ayaa xalay dishay Ganacsadahan xilli uu ku sugnaaa xaafada Perow Ee Magaalada Cape Town oo uu goob ganacsi ku lahaa
Isniin 17 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Koox hubaysan ayaa xalay dishay Ganacsadahan xilli uu ku sugnaaa xaafada Perow Ee Magaalada Cape Town oo uu goob ganacsi ku lahaa.
Muwaadinkaan Soomaaliga oo lagu magacabi jiray Xasan Xuseen ayaa waxa dilkiisa uu yimid ka gadaal markii Kooxda dhagar qabayaasha dishay ay la murmeen Ganacsadaha xilli ay damacsanaa in ay boobaan goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanada ugu nabdoon Magaalada Cape Town.
Ragga dilka gaystay ayaa si nabad galya ah uga cararay goobta iyaga oo hore u qaatay dhaqaale aan sidaa u xooganeen oo ay ka disheen Ganacsade Xuseen Yare.
Booliiska Xaafada Perow oo gaaray dukaanka falkan uu ka dhacey ayaa falkaasi ku sameyay baaritaan aan goobta dhaafsaneen kaasi oo ay ku muujinayaan in ay soo qaban doonaan Ragga dilay Muwaadinka soomaalida ah wallow hadalkaasi u muuqanayay mid aan meel ka soo qaad lahayn.
Dilalka Muwaadiniinta Soomaalida ayaa iska noqday kuwa joogta ah oo maalin walba ka dhaca Magaalada Cape Town iyo deegaana kale oo ka mid ah wadankani Koonfur Afrika waxaana xusid mudan in Dowlada wadanka Konfur AFrika aanay dib u raad raacin dadka laaya Ganacsatada Soomaalida.
Abdirahmaan Muumin (Codeey)
Email:Codeey9@hotmail.com
South Africa- Cape Town
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|