|
Beesha Xawaadle Ee K/Afrika Oo Qaadacday Hadal Dhawaan Qaar ka mid ah Beeshu Xilka ugu Qaadeen Ugaaska Beeshaasi (Daawo)
Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Beesha Xawaadle Ee K/Afrika Oo Qaadacday Hadal Dhawaan Qaar ka mid ah Beeshu Xilka ugu Qaadeen Ugaaska Beeshaasi (Daawo)
Beesha Xawaadle ee Dalka K/Afrika ayaa qaadacday hadal dhawaan xilka loogu qaaday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaaska Rooble.
Shir jaraa,id oo ay qaar ka mid ah ganacsatada,Culumaa,u diinka iyo dhalinyarada beeshaasi oo ay ku qabteen Magaalada Johanseburg ee dalka Afrika waxay sheegeen inay ku raacsaneen hadal dhawaan ay ku baahiyeen TVga Unversal oo ay sheegeen inay u qadfeen.
Gudoomiyaha Beesha Xawaadle ee dalka K/Afrika Cabdullaahi Axmed Fiidow oo ka hadlay in ay Beeshaasi ku raacsaneyn hadal dhawaan qaar ka mid beeshaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ay Ugaaska xilka kaga qaadeen oo ay soo magacaabi doonaan Ugaas kale taasoo uu sheegay in ay dhaqan balse ay tahay wax laga xumaado isagoo sheegay in ay ka laabtaan hadalkaasi,
Sidoo kale Xaaji Cabdullaahi Maxamed Shaandi oo ka mid ah ganacasatada Soomaalida ee dalka K/Afrika ayaa isna baaq u diray dhamaan beeshaasi iyo dowlada Soomaaliya isagoo sheegay in ay xadgudub tahay in Ugaas soo jireen ah oo ay doorteen Beeshiisa in hada lagu xadgudbo,waxa uuna u digay dadkii ka dambeeyay gafkaasi,
Kulankaasi oo ay ka hadleen Sheekh Xasan Yusuf Daahiye oo ku hadlayay magaca Culumada Beesha,C/rashiid Cabdulle (Gargaar) oo ku hadlayay magaca dhalinyarada Beesha ee K/Afrika iyo qaar kale ayaa waxay dhamaantood isku raaceen inay qaadayacaan hadal dhawaan ay sheegeen qaar ka mid ah beeshaasi inay kalsoonidii kala laabteen Ugaas
C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle.


Johanesburg, South Africa
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|