|
XAALADA MAGAALADA KISMAAYO OO CAAWA ALLOW SAHAL AH
Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
XAALADA MAGAALADA KISMAAYO OO CAAWA ALLOW SAHAL AH
Xaalada Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobalka Jubada Hoose ayaa caawa ah mid cakiran ka dib markii ay ku soo dhawaadeen galabta ciidamada howanta iyadoo Magaaladuna isu badashay Salaadi Maqrib ka dib mid fowda ah oo aanu jirin wax kala dambeyn ah .
Afhayeeno u kala hadlay Ciidamada Dowlada kuwa Raaskambooni iyo Militarita Kenya ayaa sheegay in Awoodii Alshabaab ay ku wiiqeen dagaaladii ugu dambeyay xiligan ay diyaar u yihiin Saacadaha Soo socda in ay xaqiijiyaan amaanka Magaalada Kismaayo.
Inta badan dadkii magaalada ay isaga cararay iyagoo aan dhag u dhigin amar kooxda ay ka soo saartay in aan laga barakici karin Magaalada.
Shacabka ayaa waxaa cabsida ugu wey galisay ka dib markii Horjoogayaasha Kooxda ay magaalada ka rareen Qoysaskooda iyo waliba Idaacadii Afkooda ku hadli jirtay xili ciidamada isgarabsanaayaa ay dhowr jiho magaalada uga soo siqayaan.
Kismaayo waa magaaladii ugu Muhiimsaneed ee Gacanta Kooxda ku jirtay marka la xaqiijiyo in gacantooda laga saaray waxaa ay Kooxda ka dhigeysaa sida Haad Cawo kacay .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|