|
AMISOM oo sheegtay inay aad uga xun yihiin shilkii ka dhacay Magaalada Muqdisho
Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay inay aad uga xun yihiin shilkii ka dhacay Magaalada Muqdisho
Taliyaha Ciidamada AMISOM Lt Gen. Andrew Gutti ayaa raali gelin ka bixiyay shil uu ku dhintay wiil dhalinyaro, kadib markii mid ka mid ah gaadiidkooda qafilan uu shalay wado ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho ku jiiray.
Shilkan oo uu ku dhintay wiilka dhalinyarada oo lagu magacaabo Cali Maxamuud Gobdoon ayaa ka dambeeyay markii Kolonyo Ciidamada AMISOM oo xowli ku socotay ay jiirtay ninkaas, deetana uu goobta ku qudh-baxay.
War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay si dhaqse ah ula xiriireen Ciidamada Booliska Soomaaliyed, si ay u qaadaan meydka iyo in qoyskiisa la xiririaan.
AMISOM ayaa sheegtay inay u saartay gudi baarayaal wada jir ah, si ficil looga qaato shilkii dhacay, iyadoo lagu sheegay in darwalkii gaariga uu qaaday shook markii uu shilka uu galay.
Taliyaha AMISOM ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin shilka dhacay, iyo ninka ku dhintay, waxaana tacsi ay u direen qoyskiisa.
Ma ahan markii u horeysay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM uu shil ku galo magaalada Muqdisho, deetana uu ku jiiro dad rayid ah, waxaana ay aheyd dhamaadkii sanadkii hore markii gaari soo wajahday cilad uu gabar yar ka jebiyay lugta, kadibna ay daaweyn ugu qaadeen dalka Kenya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|