Somali News
    Hees  

Somalia Inaugurates Hassan Sheikh as the Ninth President

Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Somalia Inaugurates Hassan Sheikh as the Ninth President

(Mogadishu – September 16, 2012) In a well-organized event that featured diplomats, head of states and dignitaries from InternationalCommunity was held today at the General Kahiye Police Training Academy in Mogadishu, where Somalia’s ninth president, Hassan Sheikh Mohamud, was inaugurated and handed the constitution of Somalia, flag and important documents, including the Presidential Seal.

After a transparent election, the former President Sharif Sheikh Ahmed transferred the power smoothly, as he encouraged the public to support the new president so that the upcoming administration may capitalize on the gains made so far. “I urge the Somali people to support the President, because with that we can advance the country and ensure prosperity” said the outgoing president, Ahmed.

Speaking about his foreign policy, the new president unveiled his plan for the next four years. “In the next four years, my administration will lead a society that is at peace with itself, with its neighbors and with the world community” said President Mohamud.

The president underscored the need to create economic opportunities for all to address challenges faced by millions of Somalis across thecountry. “By focusing the economy, we will create jobs… to enhance unity among Somalis and prevent conflicts in the future,” said President Mohamud who expressed his commitment of the economy as a top priority.
      ENDS

 

 War Saxaafadeed 2012/73

Xassan Shiikh oo Loo Caleemosaaray Madaxwenihii 9-aad ee Soomaaliya


(Muqdisho – September 16, 2012) Xaflad xil-wareejin ah oo aad loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday xarunta Jeneraal Kaahiye ee Iskool Boliisiyo, halkaas oo ay xaadir ku ahaayeen madax iyo wafuud ka kala socota beesha caalamka oo goobjoog ka ahaa caleema-saarkii madaxweynihii 9-aad, Xassan Shiikh Maxamuud, oo lagu wareejiyay dastuurka dalka, calanka iyo dukumiintiyo muhiim ah oo ay ka mid tahay Astaanta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorasho xor ah kadib, madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed ayaa si hufan u wareejiyay xilkii madaxweynenimo, asagoo kula dardaarmay shacabka in ay taageero la garab istaagaan madaxweynaha cusub si maamulka la dhisi doono ay uga faa’iideystaan horumarkii la gaaray.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan madaxweynaha, sababtoo ah taageeradda waa arinta loogu baahi badan yahay oo keeni karta in dalka uu horumaro” ayuu yiri madaxweynaha xilka ka dagay, mudane Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweynaha cusub ayaa shaaca ka qaaday siyaasadiisa ku wajahan arimaha dibadda ee mudada soo socota. “Afarta sanno ee inagu sooaadan, maamulkeyga wuxuu xooga saari doonaa in la helo bulsho nabad ku wada nool, oo dariskeeda nabad la ah, beesha caalamkana nabad la ah” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh.

Madaxweyne Xassan Shiikh wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dalka la dhiso, si fursad loogu abuuro dadka, loonaxaliyo caqabadaha soo foodsaaray malaayiin Soomaali ah oo ku kala nool dalka dacaladiisa. “Si aan u horumarino dhaqaalaha, waa inaan abuurno fursado shaqooyin…xoojinaa midnimadda shacabka Soomaaliyeed, kana hortagnaa wax walba oo midnimadaas wax u dhibaya” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh oo cadeeyay in dhaqaalaha uu kaalin weyn kaga jiro qorshihiisa ku aadan afarta sanno ee soo socota.

   DHAMMAAD

 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)