Somali News
    Hees  

Dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay Haweeney Soomaaliyeed oo dishay ninkeeda

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay Haweeney Soomaaliyeed oo dishay ninkeeda.

Booliska magaaladda Jeddah wadanka Sacuudiga ayaa xabsiga dhigay haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay wadankaasi Sacuudiga ku dishay Saygeedii kadib markii ay is qabteen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Sacuudiga ayaa sheegay in in muwaadinadaan Soomaaliyeed laga qabtay xaafad ku taala magaaladda Jeddah oo ay daganeyd waxaana la sheegay in dilka Seygeeda ay u adeegsatay Mindi ama toorey.

Afhayeenka booliska magaaladda Jeddah Jen Misfer Al-Jaacid ayaa u sheegay wargeyska Saccudi Gazzzete la yiraahdo in qof deegaanka ah uu ku war galiyay haweeneydaan ay segeedii dishay markii ay tageen ay arkeen meydka ruuxa la dilay oo ku dhex jira barkada lagu dubaasho sida uu yiri.

Afhayeenku waxaa uu intaa ku daray in hadda ay su’aalo weydiinayaan haweeneydaan Soomaalida ah ee loo haysto kiiska ah inay seygeedii dishay.

Wargeyska warkaan qoray ee Sacuuddi Gazette ayaa ku waramaya in ninka la dilay oo asna Soomaali ahaa uu jiray ka dhaxeeyay asaga iyo afadiisa kaasoo dariska ay ku sheegeen in la isku qabtay kadib arrimo la xariira hinaase.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)