Somali News
    Hees  

Madaxweynaha: Looma dulqaadan doono in meel looga dhaco sharafta madaxweynihii hore

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha: Looma dulqaadan doono in meel looga dhaco sharafta madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhurriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaanay u dulqaadan doonin in meel looga dhaco sharafta iyo qiimaha madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed, waxaana dowladda Kenya uu ka dalbaday inay raalligalin buuxda ka bixiso hadalkii ka soo yeeray wasiirkeeda arrimaha dibadda.

Sam Ongeri oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya wuxuu Shariif Sheekh Axmed ku eedeyay in uu ka dambeeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee toddobaad ka hor ka dhacay hoteel Jasiira oo uu ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxrooyada qaranka ayaa sheegay in ay tahay nasiibdarro eedeynta Sam Ongeri. “Sheekh Shariif waa shakhsi soo qabtay mas’uuliyadda dalka, waxa uu naga mudan yahay xushmad dowladda Soomaaliya waxaa ka saaran mas’uuliyad in ay dhowrto sharafta madaxweynihii hore” ayuu yiri madaxweynaha.
Xigasho barkulan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)