Somali News
    Hees  

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Magaalada Kismaayo

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Magaalada Kismaayo

Dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa saaka ku waabariistay jawi ka duwan sidii hore taasoo ah inaysan saaka maagaaladaasi uusan ka jirin wax maamul ah kadib markii ay baneeyeen Xarakadda Al-Shabab.

Xaaladdu inkastoo ay dagan tahay hadda tahay m id haddana dadku waxay u dhago taagayaan sida ay wax noqon doonaan saacadaha soo socda waxaana meelaha qaar ka jirra dhaq dhaqaayo ganacsi oo aan badneyn.

Isku socodka gaadiidka ka dhex shaqeeya xaafadaha magaaladda ayaa shaqeynaya waxaana saldhiga magaalada mar mar lagu arkaa ciidamada ay Shababku u yaqaanaan Xisbada inkastoo aysan badneyd aragtidooda.

Qof ku sugan Kismaayo ayaa inoo sheegay in magaaladda aysan ka jirin wax maamul ah dadkuna si qunyar socod ah ay xaaladda u qiimaynayaan dhagahana u taagan yihiin.
Dhinaca badda magaaladda Kismaayo waxay dadka ku sugan noo sheegeen inay ka maqlayaan guuxa diyaarado dagaal inkastoo aysan magaalada soo gaareyn.

Reer Kismaayo ayaa qaarkood fadhiya goobaha lagu shaaho iyagoo si weyn u hadal haya waxa ay xaaladdu noqon doonto iyadoona ay hawada ka maqan tahay Idaacadii Al-Shabab ee Al-Andalus oo magaaladaasi ku taalay oo shalay hawada laga saarau.

Ciidamada is wata ee dawlada, Raas Kaambooni iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ayaa ku sugan meel magaaladda u jirta 60 km dhinaca galbeed waxaana saraakiishoodu sheegeen inay tar tartiib u soconayaan oo ay xaaladda darsayaan.

Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ay Kismaayo noqon doonto maadaama magaaladaasi maamulkeeda isku hayaan dhinacyo badan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)