Somali News
    Hees  

Mareykanka oo sheegay inay ka walaacsan yihiin xag jirnimada Al-Shabaab iyo tanaasul la’aantooda

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mareykanka oo sheegay inay ka walaacsan yihiin xag jirnimada Al-Shabaab iyo tanaasul la’aantooda.

Isagoo saxaafadda ugu waramayay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya safiirka dowladda mareykanka u qaabilsan arimaha somalia James Swan ayaa sheegay in dowladda mareykanka ay aad uga walaacsantahay xag jirinimada adag ee xarakada al shabab oo uu sheegay inaysan ka muuqan wax tanaasulaad ah maadaama inta badan gacantooda laga bixiyay magaalooyin istaraatiiji ah oo ay maamulayeen haddana ay gacantooda ka sii baxeyso magaalada Kismaayo halkaas oo uu safiirku sheegay inay ka heli jireen dhaqaalo iyo qalab militeri.

James Swan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in xarakada al shabab ee somalia ay wajahayaan cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka imaanaya dhanka ciidamada soomaalida iyo kuwa AMISOM oo haatan qorsheenaya qabsashada magaalada kismaayo.

“Xaqiiqdii al shababka somalia waa kuwo tabar beelay oo ay awooddoodii wiiqantaya mana muuqato tanaasul ay sameenayaan si loo soo afjaro dhibaatada somalia ka taagan”ayuu James Swan ku yiri shirkiisa jaraa’id , waxana uu intaasi ku daray in dowladda mareykanka AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay ka caawineyso sidii ay u hano lahaayeen amaanka dalka somalia islamarkaana ay ka saacidayaan qalabeynta iyo tababarista ciidamada.

safiirka dowladda mareykanka u qaabilsan arimaha somalia James Swan ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu ku soo aadayaa xilli ciidamada AMISOM iyo kuwa soomaalida oo isbaheesanaya ay qarka u saaran yihiin qabsashada magaalada kismaayo oo la soo sheegayo saraakiishii Al shabab ay isaga baxeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)