Somali News
    Hees  

Ururada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sida xilligan loogu baahan yahay in gar-gaarka Bani'aadanimada la gaarsiiyo deegaanadii laga saaray Shabaab

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ururada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sida xilligan loogu baahan yahay in gar-gaarka Bani'aadanimada la gaarsiiyo deegaanadii laga saaray Shabaab

Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanada Ex Banaadir oo maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulan ballaaran ayaa uga hadlay arrimaha gar-gaarka bani'aadanimada iyo sidii looga hortagi lahaa in la lunsado ama la dhaco.

Kulankan oo ay soo agaasintay Hey'adda CCD ayaa ka qeyb galayaasha waxay fariin iyo talooyin ugu soo jeediyeen Hey'adaha sama falka inay si deg deg ah u gaarsiiyaan deegaanadii laga saaray Shabaab gar-gaar bani'aadanimo.

Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanada Ex Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay inay dhibaato tahay in xilligan laga hor-istaago dadkii u baahnaa mucaawinada, isagoo xusay in Al-Shabaab ay go'doon geliyeen dadkii barakacayaasha ahaa.

"Waxaan u aragnaa halaag la isku dhex noolaado, waxayna ula jeedaan in dhibaatadaay ku sii kordhiyaan dadkii tabaaleysnaa, Hey'adaha sama falka waxaa ugu baaqeynaa inay dadka dhibaateysan inay gar-gaar aadanimo oo mucaawino ay gaarsiiyaan, Al-Shabaab waa cadawga muslimka iyo kirishtaanka, in la iska kaashado ayaa looga hortagi karaa"ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay C/kariin Cali Macalin oo ku hadlayay magaca qeybta Dhalinyarada ee Dallada Ururada Bulshada rayidka, waxaana uu codkiisa ku biiriyay in dadka barakacayaasha aanay siyaasad ku lug laheyn, balse sababaha looga hor-istaagay Shabaab u isticmaaleen fikir shisheeye, isla markaana dhalinyarada Shabaab ee Soomaalida ahna maskaxda laga qabsaday.

"Waa dhalinyaro aan aqoon bani'aadanimada, dad aan siyaasada shaqo ku laheyn oo baahan waxaa ka dambeeya madaxda Shabaab in dadka baahan laga hor-istaago gar gaarka sama falka oo ah xaasidiin"ayuu yiri C/kariin Cali Macalin.

Waxaa uu uga mahad celiyay Hey'adda CCD oo uu sheegay inay dadka baraarujisay, wacyio gelin iyo siminaaro u qabatay, waxaana uu intaa ku daraya in sababaha looga hor-istaagay mucaawinada dadka u baahan in aanay kala jecleyn ajaaniibta.

Xoghayaha guud ee Dallada Ururada Bulshada rayidka Faadumo Aadan Cosoble ayaa sheegtay in la soo maray xilli abaaro iyo macluul jirtay, balse haatan loo baahan yahay in dadka la gar-gaaro, iyadoo xustay in 60% ay u dhintaan macluul heyso, taasoo keentay inay tuugsadaan, waxaana mas'uuliyada is ka leh Shabaab sida ay tiri.

"Barakacayaasha dhibaatada heysa xaga waxbarasho la'aanta, waxa keenay qof baahan wax ma barto, baahidaas Al-Shabaab uga faa'ideysatay inay dhalinyarada falal dil geystaan, iyaga is qarxiyaan, waana ku faraxsanahay guulaha la gaaray"ayay tiri Faadumo Aadan.

Maxamed Maxamuud Shuqul oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee dallada ayaa waxaa uu cadeeyay in barakacayaasha Al-Shabaab dhankooda jooga ay xabsi ku jiraan, isla markaana si xoriyad ah u helin gar gaarkii sama falka.

Sidoo kale Sheekh Axmed Abuukar Gaabow ayaa ku tilmaamay kulankan in lagu soo beegay xilligeeda, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay gabo gabo yihiin, Umadana ay masiibo loo soo diray yihiin, waxaana uu ugu baaqay Hey'adaha sama falka inay u gurmadaan dadka dhibaateysan si kasta ay ku gaarsiin karaan.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha kulankan ayaa waxay soo dhoweeyeen is bedelka cusub ee dalka ka dhacay, isla markaana ay taageeri doonaan Ururada bulshada dowladda cusub ee la soo dhisayo, in dalkan ay dhibaatada ka saarto.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)