|
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si xoogan u cambaareynayaa hadaladii ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibedda Mr.Sam Ongeri ee Dowladda
Keny
Milano Talaado 18 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ongeri reveals intrigues behind Somalia's assassination plot.
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si xoogan u cambaareynayaa
hadaladii ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibedda Mr.Sam Ongeri ee Dowladda
Kenya kuna tilmaamayaa mas'uul aan hadaladiisa lahayn miisan isla markaana
garanaynin qaabka loo wajaha siyaasadda ku salaysan calaaqadka ka dhexeeya
Dowladaha Calaamka.
Sida uu madaxweynahii hore oo dhihi lahaa waa nin ay marada ka dhacday .
Mr.Sam Ongeri waa in uu keenaa cadeen aan caad sarneen eedeenta uu u soo
jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliyaa hadii ay taasi noqon weysa sida aan
hubno waa in uu raaligelin buuxda ka bixiyaa oo shacabka Soomaaliyeed iyo
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmad ku qanci karaan.
Soomaalia iyo Kenya waa laba Dowladood oo walaala ah darisna ah calaaqad fiicana
leh oo aanu u rajaynayno in calaaqaadkaan wanaagsan oo ku dhisan walaaltanimo iyo
darisnimo wanaagsan sii kordho haseyeeshee uma aan dulqaadaneyno in Dowladda
Keenya ay soo farageliso arimaha Soomaaliya ama ay mas'uuliyiinta Soomaaliyeed
ula dhaqanto si aan qurux badneen.
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR marnaba ogolaanmayo in mas'uuliyiinta
Soomaaliya kuwa hadda ama kuwii hore loo gafo ama loo soo jeediyo hadalada aan
laga fiirsan ama eedeen aan sal iyo raad midood lahayn.
Dowladda Kenya waa in ay raali gelin buuxda ka bixiso hadaladda qaabka daran ee
ka soo yeeray wassirkooda arimaha dibedda.
Midda kale waxaan si xoogan kaga codsaneynaa Madaxweynaha cusub, Safiirka
Soomaaliya u fadhiya Kenya, Afhayeenka Baarlabaanka iyo ku xigeenadiisa in ay
jawaab mudan ka bixiyaan.
XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR
soomaal@ymail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|