|
Islaan Cabdulle Sheekh Cali oo soo dhaweeyey Dowlada Cusub
Talaado 18 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Islaan Cabdulle Sheekh Cali oo soo dhaweeyey Dowlada Cusub
Waxaa weli isa soo taraya taageerida loo jeedinayo madaxweynaha cusub ee Soomaali Xasan Sheekh Maxamud oo dhawaan loo doortay madaxweynaha rasimiga ah ee Soomaaliya, haddaba Isinka Beesha majeerteen ee dalka Koonfur Africa Islaan Cabdulle Sheekh Cali ayaa codkiisa ku biiriyey taagerida Dowlada Cusub ee Soomaaliya.
Isinka oo maanta la hadlayey koox saxafiyiin ah ayaa shegey in uu aad ugu faraxsan yahay isbadalada cusub ee Soomaaliya iyo madaxweynaha cusub isagoo ugu dardaarmay Cadaalad, Sinaan, isla markana uu dalka ku xukumo diinta Islaamka wuxuuna warka intaasi ku daray isinka in dowladihii hore lagu soo dhisi jiray meel ka baxsan Soomaaliya hadana ay muuqato shirarka in ay ka dhacayaan Gudaha dalka Soomaaliya sida Goroowe1 iyo Garoowe 2 oo labadaba ay marti qaaday dowlad goboleedka Puntland.
Sidoo kale wuxuu baaq u diray Dowlada Soomaaliya in guriga nabada laga dhiso halkaasi isla markana uu wada hadalo la furo kooxaha kasoo horjeedo Dowlada isagoo sheegey in Soomaaliya ay rakaatisay dagaalo Sokjeeyey labaatankii sanno ee lasoo dhaafay wuxuuna dhanka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iyagane taageeraan dowladani Cusub oo laga rajeynayo in isbadalo waa weyn ay dalka kusoo celiso taasi oo shacabka Soomaaliyeed u horseedi karto nabad iyo barwaaqo waarta.
Si kastaba ha ahaatee Islaan Cabdulle Sheekh Cali oo ka mid ah qurba joogta ku nool South Africa ayaa rajo badan ka muujiyey isbadalada ka socda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya wuxuuna baaqiisa kuso aadayaa xilli uu dalka ka baxay KMG isla markaana la galay Dowlad Rasmi oo caalami ah.
Qore Maxamed Deeq Muse (Deqdarajo)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|