|
Xubno ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Melbourne
(Australia) oo Taageero iyo Talooyin u Direy Madaxweyne Xasan Shiikh
Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xubno ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Melbourne
(Australia) oo Taageero iyo Talooyin u Direy Madaxweyne Xasan Shiikh
Waxaa Qoraal Hambalyo ah naga soo gaartey Xubno ka tirsan Jaaliyada
Soomaaliya ee wadanka Australia, gaar ahaan Magaalada Melbourne
waxayna Hambalyadooda ku aadaneyd Caleemo saarkii Madaxweynaha Cusub
ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud , waxayna Ilaah uga baryeen
in uu la garab galo Xilkaas Culus ee loo doortey .
“Anagoo Jaalliyada Soomaaliya ee wadanka Australia Magaalada Melbourne
waxaan ku faraxsanahay Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya
Xasan Shiikh Maxamuud, waxaan dhihi karnaa Soomaaliya waxay heshey
Hogaamiye Karti leh islamarkaana ahaa Shaqsi Dadka Soomaaliyeed la soo
qaybsadey dhibaatadii ka dhacadey Soomaaliya 22 Sanno ee ugu
Dambeysey” ayey Yiraahdeen Jaaliyada Soomaaliya ee wadanka Australia
ee Magaalada Melbourne .
“Waxaa kuula dardaarmeynaa in aad soo Magacawdo Raiisul Wasaare Karti
leh oo Shacabka Soomaaliyeed ku farxaan, waa in aad badisaa La tashiga
ku aadan Cida aad u Magacabeysid Raiisul Wasaaraha waayo hore ayaan u
soo aragney Xukuumad is haysta oo ka dhamaan la’ Khilaaf ‘ayey
Yiraahdeen Jaaliyad reer Australia Magaalada Melbourne oo intaa
Raaciyey.
‘Haddii aysan wada shaqeyn dhex marin Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha
iyo Gudoomiyaha Baarlamanka waxaa Fashil ku imaanya waxaad
Tiigsaneyseen ee ahaa Badbaadinta shacabka Soomaaliyeed marka waa in
aad iska Ilaalisaan wax kasta oo keeni kara Khilaaf oo aad isku
Samirtaan”ayey yiraahdeen Xubnahaasi ka socdey Jaaliyada Soomaaliyeed
ee Wadanka Australia gaar ahaan Magaalada Melbourne.
Ugu Dambeyn waxaa u soo jeedineynaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool
dalka gudihiisa iyo Dibadiisa in ay gacan siiyaan Dowlada Cusub ee u
dhalatey Soomaaliya ee Hogaaminaya Xasan Sheikh Maxamuud waayo haddii
aysan shacabka ka helin wada shaqeyn waxaa Xaqiiqo ah in aan laga
baxayn dhibaatada haysata Ummada Soomaaliyeed marka waa in aad is
garab taagtaan Dowlada Cusub ee ka hana qaadey Gayigeena Soomaaliya
waxaana ka mid ah Xubnaha noo soo direy Qoraalkaan hambalyada ah.
1- Eng. Abdulkadir Sheikh Mukhtaar.
2- Marwo Bahjo Nuur Ali Ahmed.
3- Maxmed Cabdulaahi Cumar (Shamcuun).
4- Nuuradiin Cabdullahi Macalin Cumar (Shamcuun).
5- Abuukar Xassan Abikar[Juun].
6- Cumar Abdi Sheekh.
7- Maxamed Salaad Shire[Kaafi ].
8- Maxamed Cabdullahi Cabdi (Madowe).
9- Kornel Ibraahim Cabdi Samad
10- Dr. Mahad Shiikh Doon Faarax
11- Iidle Faarax Gaas ( Macalinka Muusikada)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|