Somali News
    Hees  

Cali Dheere: "Kismaayo kama bixin mana ka bixi doono, marka hore waxaa ka horeysa in dhiig badan daato, ciyaar ciyaarna .."

Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Cali Dheere: "Kismaayo kama bixin mana ka bixi doono, marka hore waxaa ka horeysa in dhiig badan daato, ciyaar ciyaarna .."

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage "Cali dheere" oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa wacad ku maray inay difaaci doonaan magaalada Kismaayo isla markaana uu dhiig badan ku daadan doono qabsashadeeda.
Waxaa uu ka hadlay Cali dheere warar maalmahaan saxaafada isla dhaxmareysay oo ahaa inay ka baxaeen Magaalada Kismaayo isla markaana ay ka rarteen agabyadii u yiilay halkaasi oo ay ka mid aheyd Idacaadii ku hadli jiratya afkooda ee Al-andanus.

Cali dheere ayaa sheegay inay adagtahay in si fududu uga baxaan magaalada Kismaayo, waxaana uu ku hanjabay in dhiig badan uu ku daadandoono Kismaayo hadiiba ay dhaceyso inay ka baxaayaan.

"Kismaayo kama bixin mana ka bixi doono, marka hore waxaa ka horeysa in dhiig badan daato, ciyaar ciyaarna laguma soo geli doono" ayuu yiri Cali Dheere oo eedeyn kulul u jeediyay Warbaahinta caalamiga.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa imaanaya ka gadaal markii magaalada Kismaayo la sheegay inay ka carareen horjoogayaashii kooxda Al-shabaab, masaafa yarna ay u soo gaareen ciidamada huwanta ah ee isgarabsanaya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)