Somali News
    Hees  

Maxéd Cusmaan Guure "Waxaan aragnaa in xaflad lagu bixinayo 12 kun Euro malin keli ah, dhinaca kalena aad arkeyso haween Soomaali ah oo iyada & saddex caruur ah ay u sii socdaan kaniisad si ay u seexdaan...."

Arbaco 19 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxéd Cusmaan Guure "Waxaan aragnaa in xaflad lagu bixinayo 12 kun Euro malin keli ah, dhinaca kalena aad arkeyso haween Soomaali ah oo iyada & saddex caruur ah ay u sii socdaan kaniisad si ay u seexdaan...."

Waddanka Nederlands waxaa todobaadkii hore 12/09/2012 ka dhacday doorasho lagu soo doortay baarlamaan cusub oo uu dalkaasi yeesho, waxaana doorashadaasi kaalimaha 1-aad & 2-aad ka galay Xisbiyadda VVD & PvdA, haddaba si aan ula socono waxa laga filan karo xisbiyaddan maadama Soomaalidu ka mid tahay ajnabiga ugu badan ee uu dalkaasi ku nool, waxaa inoo suurtagashay inaan xogwareysi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee waddanka Nederlands & saameynta isbedelka cusub uu ku yeelan karo nolosha nolosha dadka Soomaalida & xaaladaha guud ee Soomaalida ku dhaqan waddankaasi aanu la yeelanay Max´ed Cusmaan Guure oo ka mid ah Soomaalid ugu firfircoon ee ku dhaqan Holland, ahna howl-wadeen kala shaqeeya wasaaradda cadaaladda waddankaasi adeegyada lagu caawinayo Soomaalida qaxootiga ah & Gudoomiyaha ururka Galmudug Development Foundation ee dalka Holland waxaana xogwareysigaasi u dhacay sidatan:-

Su´aal. Guuasha labaddan Xisbi (VVD & PvdA) maxey ka filan karaan mujtamaca Soomaalida ee waddanka ku dhaqan.?

Guure. Wadankan Holland xisbiyadda VVD waxay markastaba xooga saaraan in ay wax u qabtaan dadka u daqliga sanadkooda sareeyo ama marka si kale loo yiraa dadka taajirka ah, taa micnaheedu waxay tahay sadaashu in ay dadka xoolaha leh ama warshadaha leh si aan caadi ahayn ugu faa’iidaysan doonaan dowlada soo socoto VVD. Teeda kale, Xisbiga shaqaalaha ee PvdA oo kaalinta 2-aad ka galay doorashada wuxuu mar kastaba u daneeyaa dadka daqligooda hooseeyo. Marka waxaan filaynaa in labadda xisbi ah si xoogan u gor-gortami doonaan oo ay meesha ka bixi doono balanqaadyadii xisbiyadaasi ay horay u sameeyeen markii ay ku jireen ololihii doorashada, waxaana muuqata inuu jiri doono tanaasul ka yimaada labadda xisbi. Tusaale ahaan VVD waxa lagu doortay oo barnaamijkooda ka mid ahaa in shaqaalaha haysta shaqadda joogtada in laga ceyrin karo shaqadda iyagoo haysta waxa la yiraahdo (Vast contract), taasoo dan u ah dadka warshadaha leh oo aan loo soo raacin doonin wax qaan-sheegasho ah, Xisbiga shaqaalaha ee PvdA taasi way ka soo horjeedaan in la sameeyo. Marka gorgortanka waxay tahay hadii aad doonayso in VVD ka tanaasulo arintaas in shaqaalaha ``vast diens`` haysta dhinac la iska dhigo waa in la kordhiyaa lacagta ``eigen risico`` oo la garsiiyo 350 euro oo waa in dadka dhaqaalaha hoose ay dhabarka u ritaan culeyskaas. Marka hadii aad eegto waxa lagu doortay xisbiga VVD iyo PvdA way kala fogyihiin oo iskuma dhowa hadii la yirahdo dowlad ay wadaag ku yihiin waa in ay soo dhisaan waa in laba xisbi uu mid kastaahi tanasulo oo meel dhexe uskugu yimaadaan.

Suáal. Waxaa jirta cabsi ay ajnabiga, gaar ahaan Soomaalidu ka qabaan in baarlamaanka cusub kuraas badan uu ku yeesho xisbiga PVV ee uu madaxda ka yahay Wilders.? maxeyse tahay farqiga u dhexeeya labadda Xisbi & kan Wilders.?

Guure. Sida ay ila tahay markastaba xisbiga PVV wuxuu xoogaa saara ama fagaaro cad kaga dhawaaqaa in la hakiyo ogolaanshaha la siiyo ajnabiga soo galootiga ah gaar ahaan dadka islaamka ka soo jeeda, Somalidana waxay yihiin waqtiga lagu jiro wadanka labaad ee cadad ahaan magangalyada siyaasadeed waydiisto wadankaan Holland. Cabsida aan dadka Soamaalida aan la wadaagaayo waxay tahay in uu xisbiga VVD uu galo kaalinta PVV oo PvdA kula gorgortameyso in la adkeeyo sharci siinta dadka Somalida iyo ogolaashaha dadka reerahooda dalbado, sidaas waxaan u leeyahay VVD waa u la qabaa PVV in la adkeeyo ogolaansha dadka sharciyadda la siiyo ee qaxootiga ah. Marka waxaa dhici karto in uu soo gudbiyo xisbiga PVV mooshin lagu hakinaayo sharciyada la siiyo Soomaalida marka waxaa dhici karto in VVD codka siiso PVV. Teeda kale cabsida kale ee jirto oo aan qabo aniga ahaan waxay tahay in xisbiga PvdA uu ka gaabiyey danaha guud iyo tan gaar ee dadka magangalyo waydiisanayo Holland, taas waxaan u leeyahay waxaa laga yabaa in wasiirka qaxootiga uu noqdo xisbiga PvdA oo uu culeys kaga yimaado VVD iyo PVV.

Su'aal: Adigu maadaama aad kala shaqeyso hayáddaha qaxootiga is-fahamka dhinaca luqadda ah ee Soomaalida, maxey tahay dhibaatooyinka kuu muuqanaya ee haysta Soomaalida.?

Guure. Lama soo koobi karo dhibaatooyinka haysta Soomaalida xaga luqadda ayaa ugu horreysa dhibaatooyinkaas waxaa jirta oo markastaba lagu bilaabaa waraysyadda lala yeelanayo Soomaalid marka ay isi soo dhiibaan, oo loo qabto qofka Tarjubaanka ah waxaa la weydiiyaa ``Ma fahmaysaa luqada uu turjumaanka ku hadlaayo " boqolkiibq boqol waxay Soomaalida ay yirahdaan haa`` haddana waxaa marar badan dhacda in ay is fahmi waayaan tarjubaankii oo Soomaali ah & qofkii loo tarjumayey waxaana kula talin lahaa haddii ay taasi dhacdo in codsado in loo macneeyo ee walaalayaal ha jawabina suáal aadan adiga fahmin ama kugu soo labanayso. Tan kale waxaa xaq u leedahay in aad ku tirahdo turjumaanka Somaliga in aadan fahmi karin ama ay kugu adag tahay luqadiisa. Hadii arinkaas sidaas kor ku xusan aad u raacdaan waxaa yaraannaayo dhibaatooyinka Soomaalida haysta.

Suáal: Waxaa jira Soomaali aad u fara badan oo waddankan ay ku haysato sharci laáan, qaarkood waxey sharciga ku waayeen in aysan cadeyn Soomaalinimadooda, Soomaalidaasi intooda badan waxaa banaanka looga saaray xerooyinkii ay ku jireen waxeyna ku dayacan yihiin meelaha laga raaco basaska & tareenada. haddana waxaa jirta ururo Soomaali ah oo waddankan laga aqoonsan yahay oo sheegta in ay Soomaalida caawiyaan maxey tahay baad is leedahay in Soomaalidu ay sidaa dhibaatada isugu fiirsato.?

Guure. Waa nasiib darro waana wax jira in magaalo kastaba ay ka jiraan ururo Soomaalidu ay leeyihiin oo gaarahayo 75 urur oo haddana sheegta in ay Soomaalida wax u qabtaan, haddana indhaha ka qarsada dhibaatooyinka kala duwan ee haysta Soomaalida, waxeyna taasi ku timid mas´uul darri iyo iyadoo ay dhammaatay sharaftii Somalidnimada nagula yaqaanay. Waxaan aragnaa in xaflado badan lagu bixiyo lacago aan cadad laheyn oo gaaraya 12 kun oo Euro oo malin keli ah ay ku baxdo in xalad la qabto, dhinaca kalena aad arkeyso haween Somali aah oo iyada & saddex caruur ah oo ay dhashay ay u sii socdaan kaniisad si ay u seexdaan, waxaana anigu ku tilmaami karaa dhibaatada na haysata Soomaali haddii aan nahay dayac annaga xageena ka yimid, waxaan qabaa sida looga hortagi karo inay tahay in wariyaashasha Somalida ay afkooda furtaan oo dood calool furan laga sameeyo sida ugu fiican oo loo xakameyn lahaa arrinta foosha xun oo laga xumaado.

Teeda kale oo waxaan farriin gaarsiin lahaa in ururada waawayn ee ka jira wadanka Holland ay qabanqabiyaan MAALINTA QAXOOTIGA SOMALIDA oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan waxgaradka & aqoonyanada Soamlida ee Holland. Talada aan siin laha dadka Somalida aqoonsiga lagu xiro ay ka doontaan basaboorka Somalida safiirka Somalida ee fadhigiiso u yahay Bruxsell.

Suáal. Marar badan oo ay Soomaalida banaanka la dhigay isugu soo baxday Ter Apel & Denhaag waxaa la waayey urur Soomaaliyeed oo dadkaasi garab istaaga, una raadiyo xuquuqda ka maqan qaxooti ahaan, ka muwaadin ahaan sideed u dareemeysaa in dad Soomaaliyeed ay soo wajahdo dhibaatooyinkan, tiiyoo ay jiraan boqolaal ururo Soomaaliyeed oo sheegta in ay wax u qabtaan Soomaalida.?

Guure. Waxaan mar labaad ka codsanayaa Ururada Somalida ee ka jira Groningen/ Amsterdam/ Den Haag/ Den Haag/ Tilburg/ Eindhoven iyo Rotterdam ay shir arinkaas kumarti gelin doono hadii eebe yirahdo shir oo lagu falanqiindoono cabashadaas foosha xun oo loo soo afjari lahaa oo dadkaas dhibataysan Somalida wax loogu qaban lahaa .

Suáal. Ajnabiga kale sida Ciraaqiyiinta, Iiraaniyiinta & ajnabigfa kale waxaa u dooda safaaradahooda, Soomaalidu qaxootiga ah waxey ku sugan tahay xaalad cidlo ciirsi la'ah, maxaa la gudboon baad is leedahay oo aad ku tali laheyd.?

Guure. Waxaa ila quman in lala tashado Safarada Somalida ay ku leedahay Beljamka laguna marti geliyo shirka lagu qaban doono oo aan kor ku xusay. waxaa jeclahay in aan ku dhaqaaqo shirkaas kalana tashto ururada kale ee wadanka ka jira.

Suáal. Intii aad howsha turjubaanimada ah ee aad ku jirtay waxyaabihii dareen ahaan ku soo jiitay, ee aad goob jooga ka aheyd maxaa ugu waaweyn.?

Guure. Waxaa aad u mudan in ay Somalida ay yihiin dad aad u aaminsan ALLAHOODA oo aan cabsi ka qabin in turjumaanka ama mid dowlad ka socdo aaney wax ka qaadi karin. Waxaa kaloo aad ugu farxaa dedaalada & gacan siinta ay mar walba turjubaanada Soomaalida ah gacanta siiyaan Soomaalida, waxaana xaqiiqo qof kasta oo tarjubaan ah oo caawiya qof kale oo Soomaaliyeed oo dhiban in ay taariikhdu xusi doonto, waana run in ay jiraan gadho & wiilal badan oo si hufnaan & daacadnimo ah u guta waajibaadkooda xaga turjubaanimada ah.

Suáal. Maxaa talo ah oo aad siineysaa Soomaalida billaa sharciga ah & kuwa sheegta in ay madax u yihiin uruada Soomaalida.?

Guure. Waxaa talo ka siin laha in ay uruuriyaan dhacdooyinka laga qoro Somaliya ayna u gudbiyaan qareenadooda ayna la xariiraan mar kastaba qareenada.

In aad markastaba aad raadiso qof la xariiray ama maxkamad jawaab soo siisay oo aad la socotaan go´aamada ay sameeyaan maxkamadaha wadanka Holland.

Taladda ururada Soomaalida waan siinayo axey tahay waxaa mar labaad aan leeyahay hurdada ka kaca ee umadaad wax u qabta waxaad ka helaysaa ajar iyo sharaf ay ku hayaan dadka bilaa sharciga ah.

Waxaa Wareystay Maxéd Caali Xuseen

E-mail. Malin@hotmail.com

Denhaag-Holland.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)