|
Ciidamo ka socda dalka Nigeria oo Muqdisho soo gaaray una biiray kuwa AMISOM
Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamo ka socda dalka Nigeria oo Muqdisho soo gaaray una biiray kuwa AMISOM.
Ururka midawga Africa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay dhawaan soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka Nigeria kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamada Booliska AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala.
War saxaafadeedka kasoo baxay ururka Midawga Africa ayaa waxaa lagu sheegay in 16,kii bishaan September, ay magaalada Muqdisho soo cago dhigteen cutubyo ka tirsan ciidamada boolidska dalka Nigeria kuwaasoo ku biiray hawlgalka ay magaalada Muqdisho ka wadaan booliska AMISOM.
U qaabilsanaha wakiilka arrimaha ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Abuu Bakar Diyara ayaa sheegay in ciidamada Nigeria ka socda ay ka hawl gali doonaan magaalada Muqdisho kuna gacan siin doonaan ciidamada booliska Soomaaliya sugida amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Midawga Africa waxaa Soomaaliya ka jooga dhawr kun oo askari kuwaasoo militry iyo boolis iskugu jira.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|