|
Wax Soo saarka dhinaca Beeraha ee Gobalka Hiiraan oo xiliyadii ugu dambeyay Sare u kac ku yimid
Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wax Soo saarka dhinaca Beeraha ee Gobalka Hiiraan oo xiliyadii ugu dambeyay Sare u kac ku yimid
Labadii xili ee ugu dambeyay waxaa si aad ah sare ugu kacay dhinaca wax soo saarka dalagyada kala gedisan ee Gobalka Hiiraan taas oo ganaacsatada iyo beera qodotada u suurta galisay in faidooyin aan la qiyaasi Karin ay helaan mudo aad u kooban.
Inta badan dalaga Qudaarta oo ah mida laga helo faidada ugu badan ayaa laga tabcaa beeraha ku teedsan wabiga Shabeele ee Mara Gobalka Hiiraan.
Nuucyada Qudaarta Sida Basasha, Yaanyada, Barbarooniga, Liinta iyo qudaarta kale ee raashiinka lagu darsado ayaa si aan xisaab laheen logu tacbaa beeraha waxaana loo iibgeeyaa Gudaha Gobalka iyo dalka Intiisa kale haba ugu badnaatee Killinka 5aad ee Soomaalida Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig Jiga.
Qaar ka mid ah dadka beeraleyda oo aan booqanay noo sheegay in ay rajo weyn ay ka gashay in dhulka wax laga soo saari karo ka dib markii ay taageero dhinacyada Abuurka beeraha iyo Matoorada Waraabka ay ka heleen Hay,ada Caalimiga ee ICRC oo si weyn u gacan qabatay.
‘‘ hadii aan nahay beeraleyda degaanka Tawakalwaxaa ay rajo nagashay markii aan helnay taageerada Hay,ada ICRC Sanadahii la soo dhaafay waxaanba ka quusanay xitaa in aan soo dhex istaagno beeraha ka dib markii ay na soo wajahday Culeyso kala gedisan sida in hay,adahii na taageeri lahaa nalka hor istaago iyo in wixii aan sida dhibaatada aan ku tacabnay la yiraahdo Canshuurta Islaamka bixiya waxaan rajo ka qabnaa in sida beeraleyda degaankan loo kaalmeeyay hadii loo teegeero beeraleyda kale in in nolosha dadka ay wax weyn iska badali doonto.
Hay,ada ICRC ayaa noqotay hay,ada kaliya ee wax qabad muuqda ka sameeysay dhinaca wax soo saarta beeraha taa oo hadii aanu jiri laheen laga yaabay in Gobalka ay ka dhici laheed Caga-barar ama Gaajo aad u daran.












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|