|
Madaafiic xooggan oo Xalay lagu Garaacay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho
Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaafiic xooggan oo Xalay lagu Garaacay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Madaafiic xooggan ayaa xalay saqdhexe lagu garaacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir , taas oo ka imaaneysay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho taas oo la sheegay inay soo ridayeen kooxda Al- Shabaab.
Ugu yaraan ilaa 15 Madfac ayaa ku soo dhacday Degmooyinka Boondheere iyo Shibis waxaana uu Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaaray Dad Shacab ah oo ay ugu tagtay Xaafadahooda Madaafiicdii xalay la soo ridaayay.
Madaafiicdii xalay ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ilaa 4 Ruux, waxaana la sheegay inay Madaafiicdaas soo Tuureen Maleeshiyaadka Al-Sahabaab, tiro intaa ka badan waa ay ku dhaawac meen kuwaas oo dhamaantood ahaa Dadka Shacabka ah oo Xiligaasi ku jiray Xiligii Hurdada.
Dhinaca kale waxaa uu dagaal saf balaaran ah Xalay ka dhacay Xaafado Badan oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile ee Gobolka Banaadir kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-Shabaab waxaana uu Dagaalku Bilawday ka gadaal Markii ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan ku Al-shabaab Fariisimo ay xaafadahaasi ku la haayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya, lamana oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay, waxayna tani u muuqataa in Shabaabku isku aruursanayaan qeybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|