|
France oo xireysa safaaradaha ay ku leedahay 20 dal oo MUSLIM ah
Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

France oo xireysa safaaradaha ay ku leedahay 20 dal oo MUSLIM ah
Dowlada France ayaa sheegtay in ay maalinta jimcaha ( BERI ) 21/09/2012 ay xiri doonto SAFAARADAHA, QUNSULIYADAHA , XARUMAHA DHAQANKA iyo DUGSIYADA CAALAMIGA ah ee ay ku leedahay 20 ndal oo MUSLIM ah iyadoo ka baqeysa in la weeraro SALAADA JIMCAHA kadib.
CHARLIE HEBDO oo ah kaartooniste ayaa maalintii arbacada 19/09/2012 ku soo bandhigay wargeyska todobaadlaha ah ee LE CANARD ENCHAINE SAWIRO CARTOON ah oo uu ku aflagaadeynayo Nabigeena MOHAMED nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee taas oo mar kale cikisay SHUCUURTA MUSLIMIIN badan oo ku nool dunida dacaladeeda kala duwan, oo hore uga careysnaa filnkii INNOCENTE OF MUSLIM oo sababay geerida 30 ruux 00 ay ku jiraan SAFIIRKII USA ee LIBYA iyo ASKAR ciidanada NATO ee ku sugan AFGHANISTAN.
Dowlada France ayaa dhaleeceyn kaliya soo jeedisay halka warbaahinta FRANCE ay ku kala qeybsamaan qaarna ay taageereen kuwo kalana ay kasoo horjeesteen, dhinaca kale cartoon sameeyaha lagu magacaabo RENALD LUZ oo la hadlay BBC WORLD SERVICE ayaa difaacay waxa ay soo bandhigeen, mana jirto askar ilaalineysa xarunta wargeyska AFLAGAADADA u geystay RASUULKA Nabad gelyo iyo NAXARIISI KORKIISA ha AHAATEE taas oo si cad u muujineysa in aaney wax cabsi iyo wel wel ah qabin.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|