Somali News
    Hees  

M.GHEDI: "Rajada fiican ee uu Shacabka Soomaaliyeed ka siman yahay waqti xaadirkaan ma rumoobi doontaa?!!"

Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


M.GHEDI: "Rajada fiican ee uu Shacabka Soomaaliyeed ka siman yahay waqti xaadirkaan ma rumoobi doontaa?!!"

Hal asbuuc ka hor ( A week ago) waxaan ku sugney bariga Afrika, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho Somaliya iyo Nairobi Kenya, haddana waxaan joogaa waqooyiga Ameerika, gaar ahaan gobalka  Minnesota oo aay Soomaalidu ku badan tahay, waxaan aad ugu faraxsanahay inuu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo si isku mid ah u aaminsan yahay in cagta la saarey wadadii shido ka bixida 22 sano kadib.
 
Waxyaabaha shacabka Soomaaliyeed  geliyey rajada fiican, waxaa ugu waa weyn guulaha laga gaaray la dagaalanka Al Shaabab iyo Al Qaacidada ku soo duushey  Somaaliya, Dowlada Soomaliya oo ka baxday ku meel gaar oo noqotay Dowlad rasmi ah, doorashadii  xalaasha aheyd ee lagu qabtay gudaha Soomaaliya 42 sano kadib, shaqsiyaadka  sumcada fiican ku leh bulshada Soomaliyeed dhexdeeda oo loo doortay hoggaanka dalka afarta (4) sano ee soo socota, mas'uuliyiintaas doorashadooda lagu wada farxay  oo kala ah Prof. Hassan Sheikh Mohamoud, madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliyeed iyo Prof. Mohamed Osman Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, sidii xarakada lahayd  ee uu xilkii Madaxtinimada  ee dalka u wareejiyay Madaxweynihii hore  ee dowladii KMG  aheyd  Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, markii looga guuleystay doorashadii, shacabka  Soomaliyeed intiisa badan marka laga reebo shaqsiyaad ay siyaasad iyo dano gaar ahaaneed isaga soo hor-jeedaan moodee, shacabku intiisa kale wuxuu u qirsan yahay inuu Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sh. Ahmed uu yahay aabihii rajada nabadda ku soo celiyay Soomaaliya. 
 
Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed wuxuu aad ugu qanacsan yahay " Tayada" Baarlamaanka  cusub ee federaalka Somaaliyeed, maadaama uu hoggaaminaayo khabiir aqoonyahan  weyn ah, rug-caddaa siyaasi weyn  ah iyo  waayo arag maamul dowladnimo aqoon ah  Prof. Mohamed Cismaan Jawaari oo la filaayo in uu wax badan ka duwanaan doono shir-guddoonkii hore oo ahaan jiray Shiikhul kulli, sida  guddoomiye baarlamaan, Madaxweyne,  Ra'iisul Wasaare iyo wakiilka xildhibaanadii ka koobnaan jiray 550 xubnood.
 
 
Shacabku, waxaa kalow kalsooni weyn u haayaa xildhibaanada cusub oo tiradoodu tahay  275  xildhibaan,  marka aad la sheekeysato shacabku, wuxuu kuu sheegayaa inay  baarlamaan cusub  ka dhex muuqdaan  shaqsiyaad badan oo miisaan culus ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, oo la oran karo waxay la mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka  federalka Soomaaliyeed ee xilligaan Prof. Jawaari, inkastoo ay  baarlamaanka cusub ku jiraan tiro ka yar 30%, oo baarlamaanka cusub ku soo galay musuqmaasuq iyo laaluush ay bixiyeen, si ay u helaan xasaanad  siyaasadeed (Political  immunity), si aanan waxba looga weydiin dembiyo ay horey u galeen sida "Xatooyo Xoolo  dadweyne" xilli ay xafiis fadhiyeen amba macaawino masaakiinta Soomaaliyed loogu soo dhiibay ay lunsadeen iwm. 
 
Haddaba, waxay arrintu taagan tahay shacabka Soomaaliyeed oo haysta hadda Madaxweyne cusub iyo Ra'iisul Baarlamaan cusub oo ay aad ugu kalsoon yihiin iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, sidaas awgeed, wuxuu shacabka Soomaliyeed  iyo beesha caalamkuba uga fadhiyaan Madaxweyne Dr. Hassan Sh. Mohamoud inuu soo magacaabo Ra'iisul Wasaare kasban kara inta badan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed mas'uulka loo magacaabaayo xilka Ra'iisul Wasaaranimo waa inuu noqdaa, shaqsi aqoon fiican leh, isla markaasna aanan wax denbi ah ka gelin dalka, dadka iyo diintaba 22 tankii sano ee la soo dhaafay, qaasatan dembiyada kala ah  qaacin-wadaninimo sida Bad, Berri iyo (Domain number 2521 iwm) iibsi, dil iyo xatooyo xoolo loogu soo dhiibay masaakiinta Somaaliyeed.
 
Ugu danbeyntii, rajada fiican ee uu shacabka Soomaaliyeed ka siman yahay  waqti xaadirkaan ma u rumoobi doontaa, waa su'aal furan?.
 
 
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Xilqaad12@hotmail.com
Rochester. MN.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)