Somali News
    Hees  

Xaflad siweyn loosoo agaaismaya laguna taageerayay  Madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya PROF. xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu qabtay wadanka Finland

Helsinki Khamiis 20 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad siweyn loosoo agaaismaya laguna taageerayay  Madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya PROF. xasan Sheekh Maxamud ayaa lagu qabtay wadanka Finland.

Xafladan oo aheyd mid siweyn loosoo agasimaya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay  Ururuka Somaliliito oo ah urur kadhisan wadanka Finland. 

waxaana lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sh Maxamud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan jawaari.

Munaasabadana oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kal duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, aqoonyaho, waxgarad, iyo qaar ka mdi ah haweenka soomaliyeed ee ku Nool Wadanaka Finland kasoo qeybgalayaashii munaasabadan ayaa u mahadceliyay Madaweynihii hore Sheekh Shariif Axmed isla markaana waxaa ay ku tilmaamen inuu yahay geesi kudayasho mudan oo ay dareeenimo soomaalinimo kujirto.

Gud. Somaliliitto Saciid Carshe oo hadalo koobaan halkaas ka jeediyaya ayaa ugu baaqay dhaman umadda soomaaliyed meelwalbo ay joogaan in ay taageeraan madaxweynaha cusub iyo xukuumada uu so dhisi doono waxaana uu guul ku tilmaamay in xiligan soomaaliya gudaheeda lagu doortay madaxweyne cusub.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay xaflada ayaa hogaanka cusub ee somalia ku sheegay in uu yahay mid si xor ah loo soo doortay, maadaama ay yihiin wejiyo ku cusub siyaada, waxayna xuseen inay taageeri doonaan isla markaana ay la shaqeyn doonaa, iyagoona ugu baaqay umadda Soonmaaliyed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeyaa dowladda cusub ee Somaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda.

Ugu dambeyntii  qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Helsinki ayaa wax laga xumaado kutilmaamay hadalkii kasoo yeeray dowlada kiinya ee sheegay in sheekh shariif uu kadanbeeyaya qaraxii lagu weeraray madaxweynaha cususb ee Soomaaaliya   waxaana ay ku amreen dowlada kiinya in ay raaligelin ka bixiso hadalkaas gafka ah.

Ugu dambeyn Munaasabadan taageerada aheyd oo isugu jirta mid  Casho, Khudbado, iyo buraanburo ay jeediyeen dadweynihii ka soo qeyb galay, ayaa waxay kusoo gaba gaboowday  jawi aad u wanaagsan.









Nadifo Ali Shador

Helsinki - Finland

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)