Somali News
    Hees  

Munaasabad Lagu soo dhaweeynayay Madaxweynaha cusub Jamhuuriyadda soomaaliya laguna sagootinayay Dowladii KMG oo oo maanta lagu qabtay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda

Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasabad Lagu soo dhaweeynayay Madaxweynaha cusub Jamhuuriyadda soomaaliya laguna sagootinayay Dowladii KMG oo oo maanta lagu qabtay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Munaasabadani oo lagu soo dhaweeymayay Mdaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xassan sheikh Maxamuud iyo sagootin Dowladii hore ee KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Waxaa soo qaban qaabiyay Munaasabadaasi Ganacasatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda, islamrkaana waxay ahayd mid s heer sare loo soo agaasimay, waxaan ka qayb galay xubo kala duwan oo isugu jira siyaasiin hore, ganacsato, aqoonyahano, Ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha Dalka Uganda iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u dhaqan Magaalada Kampala.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Dr Xasan Cali Aadan Yariisoow oo sheegay in dadka Soomaalida ay yihiin kuwa nasiib wanaagsan maadaama ay ka baxeen waxaa loo yaqaaan KMG oo ahayd caqabad taagan , wuxuuna sheegay in Dowladda cusub lala shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa halaasi ka hadlayMaxamuud Saney oo ku hadlayay magaca Odayaasha dhqanka Soomaalida oo sheegay in shacabka Soomaalida loo baahan yahay inay u hiiliyaan Dowladda cusub si ay Dowladda u soo ceeliso ammaanka iyo kala dambeynta.

Waxaa guubaabo buuxda soo jeediyaya Suldaan Maxamed Axmed Xirsi oo xilal ka soo qabtay wasaaradda dalxiiska iyo hoteelada Dowladda Soomaaliya sheegayna in qof waliba ammaanka ugu qayb qaato si looga hortago kooxaha nabbad diidka ah.

Gabagaaaabadii waxaa halkaasi ka hadlay gancsade Mxamuud Jaamaca Bile loo yaqaano (Gaalkacayo) oo sheegay in uu hambayo buuxda u diriyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prf Xassan Sheekh Maxamuud oo ay horyaaliin howlo adag Ilaah ugu baryay xilka adag ee loo doortay in Eebbe u fududeeyo, isagoo halkaasi ka sheegay inay rajeenynayaan in markale uu xilka R/wasaare u rajeeynayo in uu ku soo baxo Dr Cabdi Xakiim Axmed Xaashi oo ah nin dhameeystiran, aqoonta maadi iyo Diinba rajeeynayaan loobinka loogu jiro xilka Ra'iisul Wasaare uu ku soo bixi doono.

Agaasinihii waaxda horumarinta xeebaha ee DFKMG ee hore Cabdi Weli Faarax oo isna sheegay in shacbka Soomaalida waa cusub u beryay, loona baahan yahay in la is cafiyo gacmaha lays qabsado si loo helo horumar iyo nabbad.

Guud ahaan dadkii halkaasi isugu yimid ayaa laga dheehan karay wejiyadooda hamuun qaranimo, waxaan halkaasi gabgabadii lagu qaaday heesta astaanta qaranka Soomaaliya .









Cismaan Axmed Salaad (Cusmaan Amriko)
osmanameriko@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)