|
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Diblumaasiyiin reer galbeed ah kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
Mogadishu Khamiis 20 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Diblumaasiyiin reer galbeed ah kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya Diblumaasiyiin reer Galbeed ah.
Dibulumaasiyiinta iyo madaxweynaha ayaa waxaa ay kulan albaabada u xiranyihin kuwada qaatay xarunta ay diganyihiin Ciidmada AMISOM ee xalane, lamana oga waxa ay kawada hadleen labada dhinac.
Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay agaasimaha madaxtooyada suldaan Axmed Faarax kaasoo sheegay in madaxweynaha diblumaasiyiinta reer galbeedka uu ga warbixiayay xaaladaha amaan ee ka jira magaalada Muqdisho iyo weliba qorshaha ay ku shaqeun doonto dowladiisa.
Dibulumaasiyiintaan reer galbeedka ah ee maanta soo gaaray magaalada Muqdiho kulankana la qaatay madaxweyne Xasan sheekh ayaa dib ugu laaban doono goordhow magaalada Nairbi ee xarunta dalka Kenya oo markii horeba ay ka yimideen.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|