Somali News
    Hees  

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo isku heysta qabsashada magaalada Kismaayo

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo isku heysta qabsashada magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya oo sideed bilood kadib DAAL iyo XIIQ badan ka muuqda ayaa maalmihii ugu dambeeyay kaabiga ku hayay magaalo xeebeedka istaraatijiga ah ee KISMAAYo oo ah xarunta ugu muhiimsan ururka AL SHABAAB.

Coiidamo uu horkacayo hogaamiye kooxeedka Bare aadan Shire ( BARE HIIRAALE ) ayaa iyana gobolka GEDO kaga soo siqaya magaalada , kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 1500, waxeyna wararka qaar sheegayaan in ciidamadaasi ay Itoobiya siisay HUB aad u fara badan.

Dowlada Itoobiya ayaa diidan in ciidamada KENYA iyo KUWA OLNF oo isku milan ay qabsadaan magaalada KISMAAYo, taa badalkeedana waxey taageero xoog leh haatan siinayaan hogaamiye kooxeedka kaliya ee dagaalka sii wada BARE HIIRAALE.

Itoobiyaayaa dowlada KENYA ku eedeysay in 30 sarkaal oo jabhada ONLF ah ay la wadaan dagaalka isla markaana ay doonayaan in qaab qabiil ku qabsadaan magaalada dabadeedna ka dhigtaan fariisin ay kaga soo duulaan Itoobiya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)