Somali News
    Hees  

Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta guriga hooyooyinka soona saaray digniin culus

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta guriga hooyooyinka soona saaray digniin culus

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa soo saaray bayaan ku wajahan qaraxii shalay galab ka dhacay guriga Hooyooyinka oo ay ku geeriyoodeen dad tiradoodu ka badan tahay 18-ruux ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

"Qaraxa ismiidaaminta ah ee ay fuliyeen naftood haligayaasha ee ay ku dhammaadeen dadka rayidka ah waan cambaareyneynaa, waxaana leenahay waa fal fulaynimo ah oo ay ku kaceen kuwo ma naxayaal ah oo aan u tureynin dadka iyo dalka" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Golaha Sare ee Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka foojignaadaan isla markaana fiiro gooni ah u lahaadaan kooxaha shar-wadayaasha Al-Shabaab ay ka wadaan dadka rayidka ah dhexdooda, kaddib markii ay ku fashilmeen dagaal toos ah oo ay kala hortagaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

"Falka shalay ka dhacay guriga Hooyooyinka wuxuu astaan u yahay gabalkii kooxaha argagixisada ah inuu sii dhacayo, iyagoo ujeedadoodu ay tahay inay markaan gumaadaan shacabka aan waxba galabsan" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo dhinaca kale shacabka ku booriyay inay si wadajir ah uga hortagaan fal kasta oo kooxaha ma naxayaalka iyo naftood haligayaalka ah ku doonayaan inay khalkhal ku geliyaan degenaanshiyaha ammaanka wadanka.

Dhinaca kale Culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa ugu baaqay Dowladda KMG ah iyo hay'adaha amniga inay adkeeyaan nabadgelyada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan, iyagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay sidoo kale inay la shaqeeyaan ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyntii Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida dagaalkoodii uu ku soo koobmay inay shacabka gumaadaan, sidaas darteedna loo baahan yahay inay Dowladda iyo shacabka oo isku duuban ay ka hortagaan kooxahaan banneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)