|
Xarunta Dr. Ismail Jumale ee Xuquuqda Aadamaha oo cambaareysa qaraxii maqaayad ku taal Guriga Hooyooyinka
Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
 |
Dr. ISMAIL JUMALE HUMAN RIGHTS ORGANIZATION (DIJHRO)
Mogadishu, Somalia |
Ref: dijhro02349/12
Sub: CAMBAAREYN
Inaa lilaahi wa-inaa ileeyhi raajicuun, Xarunta Dr. Ismaaciil jumaale ee Xuquuqda Aadamaha waxay cambaareyn kulul dusha uga tuureysaa kuwa ka dambeeya xasuuqa waxashnimada ah ee lagu laayey Mas’uuliyiin soomaaliyeed ooy ka mid ahaayeen suxuufiyiinta kal ah; Marxuum Aggaasimihii Idaacada VOD “Raadiyo Xamar” Cabdiraxmaan Yaasiin Cali, Marxuum Liibaan Cali Nuur oo ka tirsanaa Weriyeyaasha iyo TV-ga Radio Muqdisho ahaana madaxii wararka iyo telifishinka qaranka iyo Marxuum Cabdisataar Daahir Sabriye oo isna ahaa madaxii Barnaamijyada telefishinka Qaranka ee radio Muqdisho. Weriyeyaasha ku dhaawacmay ayaa iyana waxaa ka mid ahaa; Cabdullahi Maxmed Cali, Nuure Maxamed Cali iyo Clrisaq Maxamed farax “shiino”,Maxamed Xuseen Gentleman iyo Clkariin Guutaale oo dhamaan ka kala tirsanaa weriyeyaasha ka hawlgala idaacadaha maxaliga ah ee Kulmiye iyo Raadiyo Muqdisho.
Mashaqo iyo murugo tiiraanyo leh oo ka dhacday Muqdisho 20-ka September 2012
Mashaqadan naxdinta leh ayaa waxay ka dhacday maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taala dhismaha gurigii hooyooyinka “Baar Village” ee ka soo horjeeda National Theatre ee Magaalada Muqdisho, taariiqdu Markey aheyd 20/09/2012, waxaana halkaasi goor maqrib ah isku qarxiyey laba ruux oo dhalinyaro ah, iyadoo ay meeshaas buuxeen weriyaal iyo qaar ka tirsan xildhibaano iyo dad kale oo rayid ah eek u sugnaa agagaarka qaraxu ka dhacay. Sida la xaqiijinayo waxaa soo baxaya iney tirade dhimashada ay sii kordheyso, ilaa iyo hadana la og yahay iney ku geeriyoodeen in ka badan 17-ruux, halka tiro kale oo gaareysa 40-tameeyo ay ku dhaawacmeen.
Xarunta Dr. Ismail Jumale ee Xuquuqda Aadamaha iyadoo la qeybsaneysa dhamaan ehelada, qaraabada iyo asxaabtii ku geeriyootay mashaqadaas ayey tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhamaan shacabka soomaaliyeed eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen “Alla u naxariisto Samir iyo iimaan allaha naga wada siiyo”.
Falalkan argagaxa leh ee lagu laaynayo bulshada inteeda ugu nugul ayaa xadgudub ku ah dhamaan qawaaniinta caalamiga ah ee leyla aqoonsan yahay, shareecada islaamka iyo xeerarka soo jireenka ah ee Biri-ma-geydada.
Waxaan meesha ka maqneyn iney imaan doonto maalin lagu xisaabiyo sharciga hortiisa, waana iney ogaadaan kuwa geysanaya xadgudubyada dhanka ka ah bani’aadanimada.
Xaruntu waxay u soo jeedineysaa Maamulka Dawladda federaalka soomaaliyeed qeybaheeda qaabilsan sugida amniga shacabka soomaaliyed iney layimaadaan mas’uuliyad haboon ooy ku sugayaan kuna damaanad qaadayaan dhamaan amniga shacabka soomaaliyeed ee muddada dhawrka iyo labaatanka sano ka badan ku soo jiray duruufo adag oo lagu waxyeeleynayo xuquuqahooda aasaasiga ah.
GUDDOOMIYAHA XARUNTA
Marwo Maryam Xuseen Awreeye
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|