Somali News
    Hees  

Weriye ka tirsan Warbaahinta Radio Maanta oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Weriye ka tirsan Warbaahinta Radio Maanta oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee Weriye Xasan Yuusuf Absuge ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli uu ka soo baxayay goobtiisa shaqo oo ahayd agagaarka xarunta Radio Maanta oo ku taalla isgoyska Baar Ayaan ee magaalada Muqdisho.

Dilka Weriye Xasan Yuusuf ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen ilaa saddex wiil oo ku hubeysan bastoolado, kuwaasi oo markii uu weriye Absuge soo gooyay laamiga u dhow xarunta idaacadda ku dhuftay dhowr xabadood.

Rasaas lala helay weriyaha ayaa la sheegayaa inay uga dhufteen qeybaha muhiimka ah ee jirka weriyaha, isagoo isla goobtaasina ku geeriyooday kaddib markii madaxa ay uga dhaceen dhowr xabadood.

Allaha u naxariistee Weriye Xasan Yuusuf Absuge oo ka mid ahaa weriyeyaasha ka howlgala RADIO MAANTA ayaa waxaa meydkiisa halkaasi ka qaaday qaar ka mid ah weriyeyaashii ay isla shaqeynayeen iyo dadweyne fara badan iyadoo meydka weriyaha la geeyay gurigii uu ku noolaa si loo aaso galabta.

Dhinaca kale dilka weriye Absuge ayaa ku soo beegmay wax ka yar 24-saac markii weriyeyaal iyo dadweyne lagu xasuuqay Baar ku yaala guriga hooyooyinka, kaddib markii laba nin oo walxaha qarxa isku soo xiray ay galeen baarkaasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)