|
Waxaa Manta dalka Bulgaria Ku Geeriyooday Prof. Ilkadahab oo Caanku ahaa Qallinka Indhah
Gothenburg Jimco 21 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa Manta dalka Bulgaria Ku Geeriyooday Prof. Ilkadahab oo Caanku ahaa Qallinka Indhah
Waxaa Allah ha u naxariistee dalka Bulgaria ku geeriyooday Dr.Maxamad Hussein(Ilka Dahaboo) oo kamid ahaa Tathaatiirta ugu caansan xagga Qalliinka iyo Daweeynta dalalka Yurub. Wuxuuna marxuumku ahaa khabiir ku xeeldheer oo looga dambeeyo Qallinka Aragga iyo Indhaha waxaana Cusbitaalka gaarka ah oouu kuleeyahay dalka Bulgaria uu ahaa xarun aay yimaadaan oo isku daweeyaan boqorada iyo madaxda khaliijka wuxuuna Marxuumku Prof. Ilkadahab uu takhtar gaar ah u ahaa madax caan ah oo uu kamd ahaa Hoggaamiyihii dhawaan laga takhalusay ee dalka Liibiya Qadaafi.
Prof. Ilkadahab wuxuu kamid ahaa dhalinyaradii qaybta weyn kasoo qaadatay halgankii Gobannimadoonka uu hoggaaminayey Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
Marxuum Dr Ilkadhab wuxuu sanadkii 1959kii kusoo biiray Xisbigii uu hoggaaminayey Xaaji Maxamad Hussein oo kamid ahaa Aasaasayaashii SYL ,xisbigaas oo ahaa mid mucaarad ah waxaa uu kasoo goáy SYL oo xaaji Maxamad Hussein iyo Saaxiibadi aay ku tuhmeen in SYL aay albaabada u furtay Raggi gumaysiga u adeegayey oo kasoo horjeeday gobannimada Shacbiga Soomaaliyeed ,Xisbigaas uu marxuum ILkadahab kusoo biiray waxaa magaciisa la oran jiray Great Somali League,xisbigaas oo markii dambe u xuubsiibtay SDU.
Dr. Ilkadahab waxaa uu kamid ahaa Xildhibaanadii Dhawaan waqtigoodii uu dhammaaday muddo Sanad ahna wuxuuna joogay magaalada Muqdisho isaga madax ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaankii riday Shariif Sh.Xassan Guddoomiyaha Cusubna Doortay.
Prof. Ilkadahab wuxuu noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya wuxuuna gacan u fidin jiray qaxootiga Soomaaliyeed isagoo dadbadan xabisyada kasoodaayey qaar badanna dajiyey hoygii uu kulahaa dalka Liibiya.
Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaanba Eheladii ,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Ilkadahab waxaana si gaar ah marxuumka tacsi ugu diraya Dr Abdillahi Sh. Hussein (H/W) iyo Xaaskiisa Caasho Cadnan, Waxaa kale oo Marxuumka Tacsi u Diraya Caasho Ismaciil oo ku hadlaysa Magaca Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed .


Allah Naxariistii Janno ha ka Waraabiyo
Dr. Maxamad Hussin Ilökadahab.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|