Somali News
    Hees  

Ugaaska beesha Maxamed Gorgaate oo codsi u jeediyay Madaxweynaha

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ugaaska beesha Maxamed Gorgaate oo codsi u jeediyay Madaxweynaha

Qoraal ka soo baxay beesha Maxamed Gorgaate oo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed isla markaana uu ku saxiixan yahay Ugaaska beeshaasi Ugaas Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaalli), warqaddaas oo si toos ah ugu socota Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga codsaday arrimo dhowr ah.

Beesha Maxamed Gorgaate ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay tahay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed ugu faca weyn isla markaana aan hubeysneyn degaan ahaanna degan K/Soomaaliya laguna heyb sooco xirfadahooda shaqo sida Bir tumidda, sameynta Kabaha, dharka, farshaxanka iwm.

"Nalaguma casuumin dhammaan shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu soo dhisay Dowladihii dalka soo maray ee intooda badan dalka dibadiisa lagu dhisay" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay beesha Maxamed Gorgaate oo sidoo kale lagu caddeeyay in beesha aan wax tixgelin saami qeybsi siyaasadeed iyo mid maamul ilaa heer tuulo aan wax laga siinin.

Sidaa darteed ayaa lagu sheegay qoraalka beesha Maxamed Gorgaate ka soo baxay in beeshu aaminsan tahay miisaan cadaaladeed oo ka dhiman arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya ayay u arkaan marka ay timaado gabood falka lagu sameeyay iyaga, taasi oo ay sheegeen in haddii aanay dhicin saami qeybsi ku dhaca habka cadaaladda ay tahay arrin muhiim ah oo loo baahan yahay in la gorfeeyo u baahan.

"Mudane Madaxweyne waxaan si kalsooni leh kaaga codsaneynaa in saamigeena cadaaladeed nalaga siiyo Dowladda" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Ugaaska beesha Maxamed Gorgaate Ugaas Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaalli).

Sidoo kale beesha ayaa ka codsatay Madaxaweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in loo maalgeliyo xirfadaha kala duwan ee ay beeshaasi ka shaqeystaan isla markaana qeybtooda laga siiyo deeqaha beesha caalamka ugu talo galeen Soomaalida tabaaleysan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)