|
Dr Mohamed Yaroow Ku-xigeenkii hore ee Duqa Magaalada Muqdisho oo ku geeriyooday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa
Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dr Mohamed Yaroow Ku-xigeenkii hore ee Duqa Magaalada Muqdisho oo ku geeriyooday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa.
Alaha u Naxariistee Dr. Maxamed Cumar Nuur "Maxamed Yarow" oo ahaa Ku-xigeenkii Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Xilligii Dowladii Abdullahi Yusuf ayaa ka mid ahaa Dadkii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Baarkii ka soo horjeeday Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.
Geerida Marxuumkaan oo dad ehel dhow la ah oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in uu ahaa Shaqsi si weyn looga yaqaano Gudaha Dalka iyo Dibadiisa waxuuna ahaa Aqoonyahan ka soo sheeqayay Meelo Badan oo ka mid ah Dalka sida MAcalin Jaamacadeed iyo Xilal kala duwan oo ka soo qabtay Dowladihii Dalka Soo maray.
Dr. Maxamed Cumar Nuur "Maxamed Yarow" alaha u naxariistee waxuu ahaa haatan ragga sida weynka ah ugu olaleynayay in dalka Somalia uu galo is badal muuqda waxuuna ka mid ahaa Aqoonyahano dhowr ah oo ku shirsanaa dalka oo donayay in ay Aqoontooda kaga faa'ideeyaan dalka si uu uga baxo dhibaatada raagtay Dalka.
Alaha u naxariistee Marxuumkaan oo taariikh weyn ku la haa Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaan idiin so gudbin doonan taariikh nololeedkiisa haduu alle idmo.
INAA LI LAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|