|
QM iyo dowladda ingiriiska oo cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa
Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
 
QM iyo dowladda ingiriiska oo cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa
Ergeyga QM u qaabilsan arimaha Somalia Ambassador Augustine P. Mahiga
ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay qaraxyadii
ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Bar Villege oo ku taala xamar
weyne halkaas oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo odoyaal, wariyayaal
iyo dad soo shaqo tagayba isugu jira.
Ambassador Augustine P. Mahiga waxa uu qaraxyadaasi ku tilmaamay kuwo
ay ka dambeeyeen dad naxariistii ay ka guurtay kuwaas oo caadeystay
dhiiga dadka rayidka ah islamarkaana ka soo horjeeda in somalia ay ka
baxdo dhibaatadii 21ka sano ay la soo daala dhaceysay waa sida uu
hadalka u dhigay.
U qaabilsanaha QM ee arimaha Somalia waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku
yiri"waxaan si aad ah u cambaareenayaa falkii naxariis darrada ahaa ee
lagu beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa maqaaxi ku taala degmada
Xamar weyne , waxana uu ku soo aaday xilli shacabka soomaaliyeed ay u
muuqaneyso yididiilo ku aadan nabad iyo dowladnimo oo sanado badan ay
baadi goob ugu jireen , mana dhaceyso in dad aan ogoleen nabadda ay
hor istaagaan hanaanka hadda socda".
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ambassador Augustine P. Mahiga waxa uu
tacsi ugu diray eheladii ay ka soo jeedaan wariyayaashii iyo dadkii
kale ee rayidka ahaa ee ku dhuntay qaraxaasi ismiidaaminta ah , isagoo
sidoo caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawaca ah ee ku jira isbitaalada
Muqdisho.
Sidoo kale waxaa isna qaraxii ismiidaaminta ahaa cambaareeyay Mark
Simmonds oo wasaaradda arimaha dibadda dowladda ingiriiska u qaabilsan, waxana uu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowladda
ingiriiska ay tacsi u direyso ehelada dadkii ku dhintay qaraxii
ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|