Somali News
    Hees  

Hay'adaha ammaanka dal Soomaaliya oo kulan deg deg ah iskugu yimid

Mogadishu Jimco 21 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hay'adaha ammaanka dal Soomaaliya oo kulan deg deg ah iskugu yimid.

Hay’adaha ammaanka Dalka ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku weerareen shacab Soomaaliyeed oo ku sugnaa maqaayad shaaha laga cabo oo ku taala degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wasiirkii Gaashaandhigga dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo shacabka kala hadlayey warbaahinta dowladda ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay falkii naxdinta ahaa , waxaana uu kuwa dhaawaca ah Alle uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa isna tilmaamay in markii falkani uu dhacay ay hay’adaha ammaanku isugu yimaadeen shir deg deg ah islamarkaana ay hay’adaha ammaanku qaadi doonaan talaabooyin deg dega ah oo arintaasi
looga jawaabayo , waxaana uu Wasiirku falkaasi ku tilmaamay fal bahalnimo ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isna hadlay ayaa tbaaxay in falkaasi uu calaamad u yahay fuleynimada iyo kalsooni darada heysata xiligan kooxahaasi argigixisada waxaana uu gudoomiyuhu xusay in falkani uusan hakin doonin hormarka ay shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan ku talaabsadeen.

Taliyaha Ciidammada Booliska Soomaaliyeed General Shariif Sheekh Unaa Maye ayaa sheegay inuu ka xumaaday qaraxii ismiidaaminta ahaa .

Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Eng Axmed Macalin Fiqi ayaa falkani ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay dembiyada ugu waaweyn , islamarkaana lagula xisaabtami doono cidii ka dambeysay.

Abaanduulaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Dhegabadan oo isna qaraxyadan ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday iney arki doonaan talaabooyin loogu aarayo dadkii lagu waxyeeleeyay qaraxii ka dhacay Bar Villege ee magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)