|
Isbitaalka Indhaha Alnuur oo Maanta 10 sano Jirsaday,iyo Bukaano aan la Tira Koobi karin Cadadkooda oo ka Faaideystay Waxqabadkiisa( Faallo )
Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Isbitaalka Indhaha Alnuur oo Maanta 10 sano Jirsaday,iyo Bukaano aan la Tira Koobi karin Cadadkooda oo ka Faaideystay Waxqabadkiisa( Faallo )
22Sabtemabr waa maalin ku suntan Dhinaca Caafimaadka waxaana Manata oo kale Sanadkii 2002 laga Hirgaliyay Xaafada Bander wanaag oo ka Tirsan Demada Huriwaa e Magaalaada Muqdisho isbitaal Casri ah oo qaabilsan Daweynta Cudurada Indhaha iyo Qalinkooda waxna isbitaalkaasi oo Baagi weyn ay u qabeen Bulshada Soomalaiyeed Hirgaliyay Dr Cabdirisaaq Axmed Maxamed' Dalmar' oo modo ka badan 25 sano ku soo dhejiray Howlaha Caafimaadka isla markaana ka mid ahaa Aradeydii ugu Caansaneyd ee ka aflaxday Kuuliyadii Caafimaaadka Jaamacada Umadda Soomalaiyeed,waxaana Dr Dalmar oo mudooyinkii danbe deganaa Dalak Ingiriiska uu ku Fakaray sidii Mar un uu aqoontiisa ku Biirin lahaa Gudaha Wadanka,mudo markii dhaqtarku ka fakaray sida ay lagama maarmaanka u tahay arintaasi ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo markaasi ka vilaabay intii aanu furin Isbitaalak Indhaha Alnuur Maanta oo kale 22-9-2002 Xarun Caafimaad oo ku tiilay agagaarka Black sea ee Wadada 30ka ka dibna uu Dhiidbada u tagay Isbitaalak Indhaha Alnuur oo Maanta 10 sano ay u Buuxsantay waxaana isbitaalka oo shaqadfiisa ay bilaabato 6-30 subxnimo Maalin kasta maalmaha shaqada uu noqday mid Hadal heyntiisu ku Badatay Gudaha Magaalada Muqdishho iyadoo Bujaano badan oo fursad aan u helin inay helaan Daryeel caafimaad oo dhinaca Indhaha ay Markaasi ka faaideyteen Bilowga Hirgalinta Isbitaalkaan oo looga kala imaan jiray Gudaha Dalka Soomaaliya.Waqooyi bari ee Kenya.ismaamulka Soomalaida Itoobiya,puntland,Soomaaliland iyo Bartamahaa iyo Koonfurta Soomaaliya waxana uu Noqday Isbitaalak Indha Alnuur Mid aad Mashquul u ah Xiliyada shaqada.
Sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007 isbitaalka Indhaha Alnuur waxa uu ka howlgalyay Fariisinkiisii Hooyada Xarunta Isbitaalka Indhaha Alnuur ee degmada Huriwaa ayuu ka howlgalayay intii aaney soo xooogeysan Dagaaladii ka qarxay Muqdisho waxana mudootinkii danbe isbitaalku Laamo akla duwan ka furay Magaalada gaalkacyo.Ceelasha Biyaha oo u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,Xaafada islii ee Neyroobi,KM 5 Muqdisho Malaina Isbitaalkua deegiisa waxqabad Hakad kuma imaan waxanaa sii laba kacleeyay Bukaanadii u oomanaa waxqabadka isbitaalak Indhha Alnuur kuwaasoo kula Guurtayay Hadba Meeshii isbitaalku Xarun ka Furo walow Bilihii la soo dhaafay Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ah Kgabiir ku taqasusay Cudurada indhaha iyo qaliinkooda uu fadhiisanayay Xarunta Isbitaalku ku leehay KM5 ee Magaalada Muqdisho waxaan Dt Dalmar oo 15-9-2006 loo doortay Gudoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed kana mid ahaa Aaas aasayaashii Jaamacada Baanadir uu ku guuleystay inuu dhaqaatiir ajnabi ah iyo heyado caafiimaad oo Caalami ah uu ku kaalmeeyo shacabkiisa u baahan daryeelka caafimaadka indhaha kuwaasoo dr Dalmar kala qeybqaatay Mudadii isbitaalka Indhha Alnuur uu jiray Hoowlo samfal oo ak dhacay Muqdisho iyo meelo kale.
Xaawo xuseeen Maaxamuud oo degan Magaalada Hargeysa Sanadkii 2007 ka sooq axday Muqdisho aaya ka warantay Xaaladeeda caafimaad ee dhiinaca Indhah waxa ayna sheegtay in 2005 indhaha looga Fiiqay Isbitaalka Indhaha Alnuur isla markaana ay nasiib u heshay inay ka faaideysato Adeega caafimaad ee ay bixinayeen isbitaalka Indhaha Alnuur iyo heyad samafal oo Caalami ah oo kala shqeyneysay Isbitaalka Indha Alnuur Howlo indho fiiqid ah oo ka socday Isbitaalka waxa ayna xusay inay hehsay adeegii ay u baahneyd iyadoo uga mahadcelisay Dr Dalmar sida uu ula Tacaalay caafimaadkeeda haaatana ay tahay Xaaladeedu mid wanagsaan ayna Caadi u arkeyso qofka ka fog iyo kan u dhow labadaba.
Xaawo Xuseen waa 55 jir 3 caruur ah ku heysata Magaalada hargeysa waxa ayna ugu Dambeyntii u Mahadcelisay isbitaalak Indhaha Alnuur oo ay ku Tilmaantay Isbitaal Ku daysho mudan oo dantiisa ka hormariya tan Caamka ah isla markaana ay ka howlgalaan dhaqtar Taqasusu sare leh iyo howlwadeeno loo carbiyay howlaha caafimaadka.
ma ah mid qalin iyo qoraal lagu soo koobi karo Kiisaska dhinaca Daweynta iyo qaliinka ee uu sameeyay Isbitaalka Indhaha Alnuur balse waxaa Marag Madoonto ah in Taariikhdu xusi doonto waxqabadkii Muuqday iyo adeegii Caafimaad ee Isbitaalka Indha Alnuur u fidiyay Shacabkiisa waxaana u Rajeyneynaa Sanadkaan Sanadka xiga oo isbitaalku ku Gaaro Guul iyo Horumar.



Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|