Somali News
    Hees  

Ciidamada Jabuti ee Howlgalka Midowga Afrika oo gaaray Magaalada Baladweyne

Mogadishu Sabti 22 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Jabuti ee Howlgalka Midowga Afrika oo gaaray Magaalada Baladweyne

Waxaan Maanta Gaaray Magaalada Baladweyene ee xaruunta Gobalkii Hiiraan tiradii ugu badneed ee Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Taliyaha Ciidamadan Jabuuti Cismaacil Dubad oo warbaahinta kula hadlay Saldhiga Ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in ciidamadan qeyb ka yihiin howlgalka midowgga Africa ee AMISOM, islamarkaana ka qeyb-qaadan doonaan sugida amniga guud ahaan gobollka, Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne.

"Sida aad la socotaan Ciidanka waa Hadiyad Dowlada iyo Shacabka Jabuuti ay ugu talagaleen in ay ku taageeraan Nabada Soomaaliya waxaana Ciidanka ka go,an sidii ay nabad uga dhalin lahaayeen Soomaaliya dadka ku nool Gobalka Hiiraan waa dad Nabada Jecel meel walba oo aan soo mareynay dadka koox koox ama qof qof gacmaha ayeey noo lulayeen si ay noo soo dhaweeyaaan waxaan ka shaqeyn doonaa midnimada umada waxaan gacan weyn ka geysan doonaa hormarinta iyo kaabashaa nolosha shacabka.

Ciidamadan ka socda wadanka Jabuuti ayaa qorshahoodu yahay in ay kala wareegaan amaanka gobalka oo xiligan ay gacanta ku hayeen Ciidamada Ethiopia iyadoo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya lagu wado in dhowrka maalmood ee soo socda ay u ruqaansadaan dhinaca Koonfureed ee Gobalka Hiiraan gaar ahaan degmooyinka Buuleburte iyo Jalalaqsi si awooda Alshabaab loo wiiqo mar hadii dhinacyo badan weeraro lagaga soo qaaday Kooxda.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)