|
Danjire Augustine P. Mahiga oo cambaareyay dilkii xildhibaan ka tirsanaa Barlamaanka Soomaaliya
Mogadishu Axad 23 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

XMJS oo soo saaray warbixin amniga Muqdisho ku saabsan iyo talooyin uu u jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin degdeg ah oo ku saabsan xaaladda amniga magaalada Muqdisho oo tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka dhacayeen falal isugu jira qaraxyo ismiidaamin, dilal qorsheysan iyo falal lagu khalkhal gelinayo ammaanka magaalada Muqdisho.
Guddoomiye K/Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ahna K/SXMJS Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo ku saxiixnaa warbixinta xisbigiisu ka soo saaray xaalada wadanka ayaa hoosta ka xariiqay dhowr sababood inay salka ku hayaan dhaawaca la gaarsiinayo amniga magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in arrimahaasi ay ugu horeyso Madaxweyne Xasan Sheekh oo kalsooni siinin hay'adaha amniga, bacdamaa madaxda hay'adaha ammaanka Dowladda ay aamineen in la bedelayo.
"Magaalada Muqdisho oo soo martay marxalado kala duwan, maanta waxay u muuqataa inay dib ugu noqoneyso xaalad ay horay uga soo gudubtay oo fowdo ah" ayuu yiri K/S XMJS Md. Timo Jilic oo ka digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban arrimo nabadgelyo xumo ee Muqdisho ka socda ay xaaladu ka sii dareyso taasi oo gaareysa heer aan waxba laga qaban karin.
Warbixinta XMJS waxaa kale oo lagu sheegay in ammaan darida maalmahaan ka jirta magaalada Muqdisho mas'uuliyadeeda ay qaadayaan hay'adaha amniga, isagoo intaasi raaciyay inaysan jirin niyad wanaagsan oo madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda ay ku howlgalaan.
Dhinaca kale Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu u istaago isla markaana dhabarka u xirto sidii uu wax uga bedeli lahaa xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho.
"Madaxweyne Xasan hade aqoon xumo ma heyso, balse waxaan isleenahay waxaan ugu baaqeynaa ka xisbi ahaan inuu kulamo degdeg ah oo is daba joog ah la yeesho madaxda iyo saraakiisha sare ee hay'adaha amniga, kuna dhiirigeliyo inay howlahooda sii laba laabaan" ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga MJS ka soo baxay.
Xisbiga Midowga Jamhuuriga Soomaaliya waxa uu sheegay in saraakiisha iyo madaxda hay'adaha amniga ay ka walaacsan yihiin in Madaxweynuhu uu ka qaado xilalka ay hayaan, wuxuuna intaasi ku daray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dejiyo istiraatiiyad degdeg ah oo isbedel degenaansho loogu sameynayo dalka dibna loogu soo celiyo dowlad wanaagga iyo soo celinta sharciga kala dambeynta.
Warbixinta XMJS oo aad u dheereyd ayaa dhinaca kale xustay in dalalka iyo shaqsiyaadka shisheeye ee faragelinta ku haya arrimaha Soomaaliya ay ka waantoobaan inay burburiyaan iftiinka dowladnimo ee dalka Soomaaliya ka curtay, wuxuuna Xisbigu u mahad celiyay qaar ka mid ah wadamada shisheeye ee iyagu u gurmaday dadka iyo dalka, isagoona ku booriyay in wadamadaasi ay sii kordhiyaan gargaarka dadka Soomaalida tabaaleysan ee ay aafeeyeen dagaalada, barakaca, abaaraha, cudurrada iyo gaajada.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|